Waar Dadka ILAAHAY  Ninba Waa Geed!!!

Waar hadee geed ayaa jira aan faaiido lahayn.

Hadh maleh,

Midho maleh,

Ood maleh,

Daaqis maleh,

Waar kuwaa haddii saaxiibkay Qaranka ku oodo oo Xisbigga ku oodo waar walaahay weynu degaynaa oo doorsoomaynaa.

Waar waxaynu haysanaa raganimo ayey ku dhitaysantahay- waar libaaxyo iyo geed adag ayaa seeska u dhigay.

Waar Madaxweyne Geed hadh leh, oo oodleh, oo midho leh oo dad iyo duunyaba anfac iyo waxtar u leh maa Qaranka iyo Xisbigga laggu oodo.

Madaxweyne rag ayaad is mudantahiin ee nin wax kaa celiiya oo hadalkiisu Qubulad duniya yahay- waxiisana sheegan kara ayaad u baahantahay.

Waar dadka waa laguu keennaa oo waan ogahay ee waa geed nooceeya dheh- waar Booc iyo Ciin dhirta kuma jiraan.

Ninbaa yidhi- waar baha kani doob ma tuuri karo.

Mid dhinac fadhiya ayaa yidhi- doobtu nafta iyo halkay ka timaado ayaa amaarado leh laggu garto.

Waar ku ku noqda halkaa oo libaax madaxa jidhifi kaa gacdo markuu isha kugu qabto hawlaheenna ha hago.

Haddii kale Waan hadhaynaa ee hala ogaado runtii.

Waar yeeli mayno nin hiinraagaaya oo aan rag hilbo kala hadhi karin.

Waa xeelad iyo xarfad dagaalka Siyaasiggii nin aad is haysaan ayaa ardaagiisa qaar lagga soo wataa- adigoo aan colaad iyo xumaan tusin ama idiin dhaxayn.

Abdilahi Hassan.