Wanaaga Wanaagiisa iyo Hogaamintii Rasuulka SCW. Tabintii:Axmed Cali Kaahin

Axmed Kaahin-Hayaannews

Markii Cumradii baaqatay heshiiskii Xudaybiyana keenay in aan sanadka la cumaraysan waxay saxaabadii Maka laga soo qixiyay dareemay in aan riyadoodii rumoobin in mar uun ay Maka arkaan muddo dheer ka dib. Sidaa daraadeed waxa niyadooda hadh iyo habeen dhextaalay wakhtiga la ogolaan doono in Maka tagideeda. Taasi oo qof kastaa dareemi karo boholyowga uu u qabo dalkiisa tana waaba Maka oo ah dhulka halka ugu sharaf iyo barako badan.

Iyadoo hilawga  saxaabada muhaajiriintu cikraa maraayo maalin maal maha kamida oo nabiga ay la fadhiyaan saxaabo kooban waxa uu si sir ah ugu sheegay “in Allaah u ogolaaday in uu Maka furto” waana sanadkii Sideedaad. Taasina waxay abuurtay dareen dal jacayl oo aad u xeel dheer oo farxad iyo raynrayn ah. Sidaa daraadeed sababta warka dadka oo dhan loogu sheegi waayay waxa uu ahaa in aan Maka furashadeeda wax dagaal iyo dhiig ah ku daadan doonin.

Habeen kaasi faraxad iyo riyaaq baa lagu seexday balse markii waagii dilaacay subaxii waxay saxaabadu dareemeen in wax is badaleen markay arkeen wajiga Rasuulka Salaahu Calyhi Wasalm oo cadho ka muuqato.

Waxa uu  u yeedhay Cali ina abii Daalib iyo Subayr ina Cawaam iyo saxaabi kale waxaanu u sheegay in ay tagaan beerta u dhaxaysa Maka iyo Madiina halkaasi waxa sii socota gabadh waxayna sidaa warqad ee ka soo qaada iina keena wayna dhaqaaqeen saxaabadii.

Waxa la galay dareen aan daganayn iyo warwar in farxadii waynayd ee la sugayaayay wax iska badaleen iyo warqadaasi warkeedu waxa uu yahay iyo xaalada xigi doonta.

Saxaabadii gabadhii way gaadheen waxayna u sheegeen in ay warqada ay sida keento waxay tidhi waxba ma sido wayna dafirtay waxay u sheegeen in haddii ay warqada soo saari waydo ay baadhidoonaan dhamaan. Markii ay aragtay in xaaladu adag tahay way ka soo saartay warqadii timaheeda dhexdeeda.

Iyadoo warkii la sugaayo ayay saxaabadii yimaadeen golihii rasuulku Salaahu calayhi wasalam buuxo ayna  hareera ay fadhiyaan Cumar iyo Abiibakar iyo Xaadib ina baltaca haddaba bal sawiro warqadii oo saxaabi saxaabada kamid ahi akhrinaayo oo ay saxaabadii ku xeeran tahay lana sugaayo waxa warqadaasi ku qoran

“Ka socota Xaadib ina baltataca ku socota reer quraysh ogaada Nabigu salaahu calayhi wasalam wuu idinku soo duuli doonyaaye”

Nabigu waxa uu waydiiyay Xaafid ibnu Abii baltaca maxaa kugu kalifay in aad sidaasi samayso. Waxa xiisaha lihi waxa weeyi rasuulku salaahu calayhi wasalam qofkaa sirtiisii fashiliyay sida fudud ee uu su’aal fudud iyo daganaan bilaa dagaala u waydiiyay aadna moodo in uu cudurdaar u raadinaayo.

Wuxuu ugu jawaabay rasuulkii ilaahayaw halkaa waxaa ii jooga xaaskii iyo caruurtii oo reer quraysh u diideen in ay soo haajiraan waxaanan doonanay in aan quraysh gacan ku yeesho maadaama aanan cid ehel  dhawm ii joogin Maka in intaasi reerka iigu ilaaliyaan maadaama muhaajiriinta kale mid kastaa ehel u joogo maka.

Rasuulku Salaahu Calayhi wasalam wuu aamusay aamus aad u dheer bal hadaba sawiro fadhigaasi saxaabadii ayaa mid mid ahi hadlay waxaanu yidhi xaadib munaafaq buu noqday, arrinku wuxuu siiba adkaaday markii Cumar yidhi rasuulkii Ilaahayaw ii ogolaw aan qoorta ka gooyee, Xaaladu waxay maraysaa meel adag

Nabigu salaahu calyhi wasalam wuu aamusan yahay walina waxaad moodaa in uu fikiraayo oo uu sawiranaayo xaadib kumuu ahaa sanadihii ina dhaafay ee sideeda ahaa mid mid in uu u dul istaagay oo uu soo gaadhay sandkii labaad oo ay dhacday dagaalkii waynaa ee Badar,

“Nabigaa hadalay waxaanu yidhi Cumaraw maya maxaa ku ogaysiiyay in Allaah daalacday kooxdii badar oo uu ku yidhi waxaad doontaan sameeya waan idiin dambi dhaafeee”

Bal Sawiro xaaladaasi iyo xaaladii lagu jiray, Xaadib baa dib u soo noolaaday Marka lagu leeyaya waa raxmada caalamiinta oo dhan waa taasi oo miidhan tuhun kastaa wuu libdhay. Hogaaminta heerka u sareeya iyo miisaamida xaalada iyo isla akhrinta tagtadii hore iyo dhacdooyinka jooga. Xaadib wuxuu galay xaalad kale iyo jawi ka fog kii hore hadalkaasi awgii.

Hadalkaa nabiga saxaabi kastaa waxa uu ka murooday hadal kasta oo uu yidhi dhacdadaasina sidaasay ku dhamaatay. Wanaagu waa kaasi Haddab cid kasta oo aad dhibaato ka dareento Ogow oo xasuuso wanaagiisii hore iyo sidii uu kuugu dhibtooday aabo, hooyo, qoys, walaal iyo ehel iyo jaar iyo cid kasta oo aad la dhaqanto, qof wayn marka la qeexayo waa in aad wax liqi kartaa.

Ma khalad kaliyaad ku duminyasaa wanaagyadii badnaa iyo xusuusihii wacnaa ee la soo wadda qaaatay wakhtiyo kala duwan oo barkhad iyo barwaaqo ahaa, xumaantana wanaaga haddii laga jawaabo waa jawaabta kaliya ee waarta waayo badan waana aargoosiga ugu qiimaha badan.

Dhacdo kaliya ah yayna daboolin intaas oo waxqabad iyo wanaagyo is’daba yaala. Noloshu waa macaan iyo qadhaaba inta macaan ee ubaxa leh uun waligaa sido lahawna xabaal yar oo qaladadka lagu aaso laguna iloobo.

Axmed Kaahin-Hayaannews

Nabiga salaahu calayhi wasalm wax kasta waxaa kala waynaatay maalintii badar waxqabadkiisii taasaa lagu aasay khaladkisii.

“Wanaagu waligaa yaanu kaa dhamaan xataa ka kaa soo horjeedaa hadduu xumaan kugu sameeyo in aan sidiisa noqoto Allaaah ka magan gal waanaagu ha waaro.”

Diyaarintii: Dr Mohamed Al Saayid (Barnaamijka laytak baynanaa)

Tabintii: Axmed Cali Kaahin

aakaahin@gmail.com

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somallad

Email: hayaannewsonline@gmail.com