War qad Furan Oo Ku Socota Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Dabagale
November 6, 2020 - Written by admin
Waxaan halkan ku soo gudbinaya qoraal ama warqad furan oo aan u diraayo Taliyaha ciidanka Booliska somaliland sareeye Guuto Dabagale.
Taliye marka la sheegayo shaqada booliska ay u hayaan
Dalka waxaa ugu mudan laba shaqo oo kala ah sugida amniga gudaha ee dalka iyo
baadhista dacwadaha ciqabta àh ee ka bilaabma saldhigyada.
Sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan qoraal ku
soo gudbiyo Taliye.
Waxaan dul istaagaya nidaamka Baadhista dacwadaha
ciqaabta ah saldhigyada ka bilaamba.
Taliye
isbadel kasta oo lagu sameeyo ciidanka booliska hadaan nidaam baadhista
dacwadaha ciqaabta ah aan laga dareemin
maaha is badel samayn cadaladeed leh.
Hada kama jawaabi karno balse hadii aynu isla
fahano qaabka baadhista Dacwada ciqaabta ah waxaa laga yaaba jawaabta suaasha
hore in ay inoo hawl yarato.
Taliye saldhig boolis oo kasta waxaa uu leeyahay
madax badhiseed iyo baadhayaal kala
duwan kuwaas oo haya baadhista dacwadaha soo gala saldhiga. Sidaa darteed marka
laga tago Taliyaha saldhiga iyo taliye ku xigeenka saldhiga culayska shaqo ee
ugu badan waxaa uu ku dhacaa waaxda baadhista ee saldhiga.
markay sidaa tahay culayskii shaqo ee baadhistuna
uu dul saaran yahay waaxda baadhista ee saldhigyada. Waxaa isweydiin mudan
sualahan.
■Madaxa baadhis ee saldhigu shaqo ahaan ma madax
baaan yahay.
■Aqoonta sharci ee madaxa baadhista waa nooce
■Nidaanka maamul ee madaxa baadhahu
u qaybinayo dacwada la baadhayo waa noocee?
■Baadhayasha lagu qoro baadhistu ma u madax banaan yihiin baadhistooda.
■Waaxda baadhista dacwada ciqaabta ah saldhigu ma leedahay wax misaniyad ah si ay u sameeyaan baadhista dacwadaha
ciqaabta ah ee ay hayaan ?
Taliyaha qaybtu ma soo saari karaa wax awaamir ah
oo la xidhidha dacwada ciqaabta ah ee baadhista ku jira.
■ma lagu tababara ilaalinta xaquuqaha eedaysanayashu
ay leeyihiin.
Helista xogaha dacwadaha ciqaabta ah ee ay
saldhigyadu hayaan waa talabooyinka ugu mudan ee lagu gaadhi karo Hufnaanta
nidaamka badhiseed ee Booliska.
tusale
ahaan 7 saldhig ee ku yaala Degmada hargaisa waa saldhigyada ugu badan ee haya dacwadaha ciqaabta ah sidaa
darteed hadii la helo xog maalinle ah oo ku saabsan
■nooca danbiga
■Tilmaanta eedaysanaha
■Khasharaha ka dhashay
■Tilmaanta Dhibanayasha
Waxaa La heli lahaa saddex biloodba warbixin inoo
iftiimanaysa
■dacwada ugu badan ee dhacay
■Nooca ay u dhaceen dacwahaasi ciqaabta ah
■Qalabla kala duwan ee la adeegsaday
■Khasaraha ka dhashay.
Marka intaa la helo waxaa cilmi baadhis lagu
samayn karaa habka loo yarayn karo dacwadaha ciqaabta ah ee ugu badan saldhigyada
.
Madaama
wakhti badan iyo kharashba ay baadhistooda iyo xukunkooduba qaataan . Hadii la
helo hab lagu yarayn karo dacwadaha ciqaabta ah ee culayska shaqo ku haya
hayadaha baadhista iyo garsoorkaba waxaa fursad fiican u noqon lahayd in
qaadista dacwadaha ee hayadaha garsorka culays badan ka dhaco.
Tusale ahaan hadii danbiga ugu badan ee
saldhigyada soo gala uu noqdo Robbery / budhcadnimo .waxaa waaxda baadhistu ee
boolisku dadaal galinaysaa
■sababaha ay u dhacaan danbiyadan budhcadnimada ah
■Goobaha ay ka dhacaan danbiya
budhcadu
■tilmaamah Eedaysanayasha gala danbiyada budhcada
Hadii nidaamka baadhista ee booliska habkan loo dhiso waxaa soo kordhi doonta in habsami u socodka dacwadaha ciqaabta ah ee baadhista ku jira noqdo mid lagu kalsoon yahay , Nidaamka guud ee cadaladana qayb ka noqda