Xarfaha Laban-laabma Ee Afka Soomaaliga: Xarafka l (108 Erey Oo l labanlaabani ku jirto)

Ereyadan maxaad ku dari lahayd?

Afka Soomaaliga waxa la isla qaatay inay labalaabmaan toddobada xaraf ee kala ah m, n, l, g, r, d iyo b. Malaha hannaan sugan iyo meel lagu koobay ereyada ay ku labanlaaban yihiin iyo kuwa ay keli yihiin ama fudud yihiin. Waa waxyaabaha ugu badan ee keena qallooca qoraalka farsoomaalida.

Caawa ayaan isku deyay inaan maskaxda ka tirakoobo meelaha uu ku labanlaabmi karo xarafka l, waxaanay iigu kala baxeen sidan:

1.Qayb xeer leh

Magacyada lab, ee ka kooban laba alan kuna dhammaada l, marka laga dhigayo wadar waxa labanlaabma xafafka l ee u dambeeya sida:

 

Hadal: Hadallo

Gobol: gobollo

Maqaal: Maqaallo

Qoraal: qoraallo

Caaqil: caaqillo

Iskuul: iskuullo

Muuqaal: muuqaallo

Dagaal: dagaallo

Wakiil: wakiillo

Dalool: daloollo

Dhambaal: dhambaallo

Aqal: aqalladii

Fasal: fasallo

Socdaal: socdaallo

  1. Magacyada hal alanlaha ah qaarkood ee l ku dhammada marka loo rogayo sifo waxa labanlaabanta l u dambaysa, waxaana raaca an.

Eeg kuwan:

Caal: caallan

Qool: qoollan

Jeel: jeellan

Daal: daallan

  1. Qaybta saddexaad ee lagu garto xoojinta carrabka, oo aan si kooban uga raadraacay qoraal aan hayay waxa ka mid ah:
  2. Aallaa
  3. Alla
  4. Allaale
  5. Alle
  6. Allifaad
  7. Baalle
  8. Baalle
  9. Baalleeya
  10. Ballaadhan
  11. Ballac
  12. Ballan
  13. Ballaysn
  14. Balli
  15. Cabdalle
  16. Cabdillaahi
  17. Cabdulle
  18. Daallo
  19. Dallaalimo
  20. Dallacaad
  21. Dalluun
  22. Dhallaan
  23. Dhallinyaro
  24. Dheelli
  25. Dhool: dhoollo
  26. Dhuulle
  27. Dirawallada
  28. Doollar
  29. Dulli
  30. Duullaan
  31. Faallo
  32. Fallaadh
  33. Fallaago
  34. Falliidh
  35. Geelle
  36. Guulle
  37. Hallaabay
  38. Hallayn
  39. Heellan
  40. Heello
  41. Hillaac
  42. Hundulli
  43. Illaa
  44. Illaw
  45. Illeen
  46. illin
  47. Kalluun
  48. Kelli
  49. Kellifay
  50. Kollay
  51. Kulli
  52. Laallaada
  53. Lallabe
  54. Leelleel
  55. Loollan
  56. Macallin
  57. Mallay
  58. Malluuq
  59. Mullaax
  60. Naallo
  61. Naalloonaya
  62. Oollid
  63. Qallaf
  64. Qallibmay
  65. Qalliin
  66. Qallooc
  67. Quulle
  68. Raalli
  69. Raalli
  70. Sagaallay
  71. Sallaxley
  72. Shabeelle
  73. Taalla
  74. Taallo
  75. Tabeelle
  76. Talantaalli
  77. Tallaabo
  78. Tallaagad
  79. Tallaal
  80. Tallan
  81. Tallaw
  82. Talligan
  83. Teello
  84. Teello
  85. Tulli
  86. Waalli
  87. Wallaahi
  88. Waxyeello
  89. Xallinta
  90. Xandulle
  91. Xasillooni
  92. Xilli

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geyngeyn (Hadraawi)

Siciid Maxamuud Gahayr

#Hayaannews