Xildhibaan MAYDHANE Wuxuu La Miisan Noqday 11-ka Xildhibaan Ee Is-bahaysiga Ka Soo Baxay KULMIYE La Midoobay!!!

Kadib maalintii loo dareeray doorashooyinkii isku sidkanaa ee golayaasha deegaanada iyo golaha wakiilada 31 May 2021, ayay 6 dii bishii June 2021 hogaanka sare ee labada Xisbi mucaarid ee UCID iyo Wadani ku dhawaaqeen magacaabista guddida isbahaysiga ah ee xisbiyada mucaaridka ah ee hogaaminta golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka JSL.

Guddidan oo ka koobnayd 10 xubnood oo shanba xisbi ahaa ayaa ku heshiiyay isbahaysiga balaadhan ee xisbiyada mucaaridku ku heleen inta badan maayaradii magaalooyinka waa weyn ee dalka.#Hayaannews

Waxa iyana xiiso lahaa markii natiijada kuraasta golaha wakiilada Somaliland ay soo baxday oo kuraastii 82 ahaa ee golaha wakiiladu ay sadexda xisbi u kala heleen sidan xisbiga Wadani oo kaalinta koobaad galay waxa uu ka helay 31 kursi baarlamanka oo ah 82 kursi halka xisbul xaakimka Kulmiye isna kaalinta labaad noqday uu ka helay 30 kursi iyo xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo isna  21 kursi helay 82 kursi ee lagu tartamayay.

Hadaba isbahaysigii labada xisbi ee UCID iyo Wadani mar kale waxay sababtay in ay hogaanka u qabtaan kuraasta ay ka haystaan 82 kursi ee golaha wakiilada taas oo isku geyn noqonayay 52 mudane oo ah aqlabiyad balaadhan, waxayna markiiba soo qadimeen musharaxiinta gudoomiyaha iyo labada ku xigeen, iyadoo xisbiga Wadani uu qaatay musharaxa gudoomiyaha halka xisbiga UCID uu isna qaatay musharaxiinta labada gudoomiye kuxigeen.

Isbahaysigaa UCID iyo Wadani oo ah isbahaysi miisaan culusi wuxuu walwal iyo walaac ku riday xisbiga talada haya ee Kulmiye oo 30 kursi ka helay kuraasta golaha wakiilada maadaama ay sii qorsheysteen in ay shir gudoonka qaataan iyagoo aad moodo in ay xisaab khaldan isku sii geystay doorashada ka hor, sidoo kalana markii runtu hortooda timid ay hadana qorsheysteen maadaama oo aanu xisbi keli ahina helin aqlabiyad buuxda oo uu ku heli karo xilka gudoomiyaha baarlamanka, ayaay mar kale u muuqatay in ay helaan qaar ka mida xildhibaanada kale ee isbahaysiga. Sidii ay saadaalinayey xisbiga Kulmiye ayay bilaabeen xidhiidho siyaasi ah oo ku doonayaan in ay ku soo jiitaan xildhibaano kale si ay u qabtaan hogaanka golaha, doonistoodaas waxa kale oo barbar socday in 30 kii xildhibaan ay helaan iyagana qaarkood u hanqal taagaan xaga isbahaysiga, waana sababta mid ka mida xildhibaanadii uga soo baxay gobolka Sool uu ugu biirey isbahaysiga, halka bilawgiiba iyana hal ciyaartoy ugala soo wareegeen isbahaysiga kaasoo ah mudane gobolka maroodi-jeex uga soo baxay isbahaysiga gaar ahaan xisbiga Wadani, ilaa markaa waxa lakala haystay xisbiga kulmiye oo haysta 30-1Kulmiye+1Wadani= 30, halka isbahaysiguna 52-1Wadani+1Kulmiye=52.

Waxa hadaba jirey khilaaf hoose oo ka soo baxayay dhanka isbahaysiga kadib markii lagu dhawaaqay sadexda qof ee u sharaxan hogaanja golaha cusub, gaar ahaan xaga xisbiga UCID oo isagu isbahaysiga ku helay musharaxiinta labada gudoomiye ku xigeen ayaa bilawgiiba xildhibaano ka soo baxay xisbiga UCID oo lahaa han musharaxnimo ka biyo diideen musharaxiinta UCID u matalaya labada gudoomiye ku xigeen.

Khilaafkaa ku saleysnaa doonista mushraxnimada labada gudoomiye ku xigeen ee qayb ka mida xildhibaanada UCID ee isbahaysiga ka mid ahaa iyo damaca xisbiga Kulmiye ee ku saleysnaa xidhiidho siyaasiga kaas oo ay ku doonayeen in ay ku soo jiitaan xildhibaano u buuxiyo helista gudoomiyaha golaha ayaa 17 bishan july 2021 soo bandhigay heshiis ay ku heshiiyeen xisbiga Kulmiye iyo garab ka tirsan xisbiga UCID oo iskugu jira xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Isbahaysigaa cusubi ee Kulmiye iyo garab ka tirsanaa UCID waxay ku heshiiyeen in musharaxa gudoomiyaha golaha uu noqdo xubintii kulmiye ka socdaa, garabkan ka tirsanaa xisbiga UCID iyana qaatan labada gudoomiye ku xigeen.

Garabkan xisbiga UCID ee ka yimid isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ah ayaa tiradooda xaga xildhibaanada ku sheegay 11 xildhibaan balse goobta ay joogaan 9 xildhibaan, hadaan soo qaato inta aynu aragnay ee ah 9 xildhibaan marka lagu daro xildhibaan ka soo baxay xisbiga UCID gaar ahasn gobolka Awdal oo isna maalintii xigtay sheegay inuu dhisayo musharaxiinta kulmiye iyo garabka UCID ku heshiiyeen ayaa tirada ka dhigaysa 10 xildhibaan oo la midoobay kulmiye, taas oo maalintaas tirada kulmiye iyo garabka UCID sheeganayeen ka dhigaysay 29 Kulmiye ah +1 Wadani ah + 10 UCID ah=40.

Waxa isna 24 July 2021 soo bandhigay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Kulmiye kana soo baxay gobolka Awdal in uu ku dhisayo musharaxiinta isbahaysiga labada xisbi mucaarid, taas oo sababtay in isbahaysigii cusbaa ee Kulmiye iyo UCID dib ugu dhacaan 39 dhibcood.

Hadaba aan u dhaadhacee ujeedada qoraalkaygan, Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo sidaan sheegay ku biiray isbahaysiga mucaaridka ayaa la odhan karaa wuxuu la miisaan yahay ama ka miisaan culus yahay 10 xildhibaan ee xisbiga UCID iyo 1 xildhibaan ee Wadani oo isku noqonaya 11 ee la midoovay xisbiga Kulmiye, sababtu waxa weeye xisbiga Kulmiye oo helay 30 xildhibaan oo inta la ogyahay 1 xildhibaan oo Sool uga soo baxay hore uga tagay, 1 xildhibasn oo reer Wadani ahina ku soo biiray oo markaa wali haysta 30 kii, ayaa waxa la midoobay 10 xildhibaan oo UCID ah waxay noqdeen 40 xildhibaan iyagoo wali sugaya hal xildhibaan oo ay ku helaan barbar dhac ayaa mid ka mida ciyaartoygoodii uu iska dhaliyay gool, waxayna ku dhaceen 39 halka isbahaysiga mucaaridka uu ka dhigayo Xildhibaan Maydhane 43 xildhibaan.

Fiiro gaara: waxa wali jira ilaa hada xodxodasho labada dhinac ah taas oo wax ka badali karta tirada rasmiga ah ee ay kala haystaan labada dhinac.

Khadar Cabdilahi-Qabile

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com