Xilka Uu Madaxweyne Biixi U Magacaabay Xildhibaan BUKHAARI Waa Qeyrul Dastuuri

Xildhibaan Bukhaari haddii uu doonaayo inuu dhufays Siyaasiya sii qoto ama ka cabsi qabo kala dirista Baarlamaanka- waa inuu caqli iyo xishood ku daraa.

Xildhibaan Saleebaan a Awad Ali Bukhaari- waxuu xubin ama Gudoomiye ka noqon karaa Gudiyadda Baarlamaanka ee kala duwan.

Qayb kama noqon karo Hawlaha Qaranka ee ka madaxbannaan Golaha Baarlamaanka runtii- waanna inuu Saleebaan Bukhaari iska casilaa Golaha Baarlamaanka si uu ugu gacan bannaanaado hawlaha Madaxweynaha Qaranku u doortay.

Koley isaga ayaa dalbaday oo olole ka gallay in halkaa laggu qoro- laakiin waa khayri dastuuri runtii.

Dastuurka Qaranku dhigi maayo in muwaadin Qaranka laba Mushahaaro ka qaato runtii.

Waa in Madaxweynaha Qaranka ee sharafta badani halkaa saxaa oo cid u madaxbannaan u wakiishaa hawlahaa aad milgaha iyo miisaanka weyn u leh.

Xildhibaan Bukhaari haddii uu doonaayo inuu dhufays Siyaasiya sii qoto ama ka cabsi qabo kala dirista Baarlamaanka- waa inuu caqli iyo xishood ku daraa.

Waa inuu aqoon ku daraa- oo talaabadda uu qaadaayo lala yaabin.

Arintaasi meel kuma laha Dastuurkeenna in muwaadin uu Qaranka laba Mushahaaro iyo sadex mushahaaro ka qaato.

Madaxweynaha Qaranka in loo gudbiyey oo aanu ogeyn ayaa dhici karta.

Waayo, Madaxweyne Muse Biihi Cabdi ma wadda yaqaanno dadka uu magacaabay runtii.

Saleebaan Bukhaari gaajadda uu ka cararaayo iyo booka uu waddo Dastuur Qaran ayaa ka yaalla.Macalinkan hoosta yaalla ayaa horjooge ka ah.

In wax la saxo ceebi kuma jirto, waanna mid Muwaadin kasta ay tahay inuu ilaaliyo oo u dadaalo dalkiisa.

Saleebaan Bukhaari laftiisa odaynimo, aqoon, dhowrsanaan iyo masuulnimo midna may ahayn inuu Odayga/Madaxweynaha Qaranka ku kaliifo xil I sii, isagoo halkii uu joogey ee Golaha Wakiiladda dhaliil iyo dayac weyni yaallo runtii.

Raganimaddu waxay ku jirtaa inuu nahay ninku mid muuqda oo hawladnimada wax ku birin kara.

Dhowrsannaan, shaqo hufan, aqoon, odaynimo, edaab iyo daacadnimo waa albaabka lagga gallo nidaamka dowligaa.

Abdilahi Hassan.

London, UK