#Yusaku_Maezawa Oo U Dhashay Dalka Jabbaan Oo Noqday Aadamihii Ugu horreeyey Ee Dalxiis Ku Taga Hawada Sare.

Dayaxgacmeed ay leedahay shirkadda SpaceX ayaa maalqabeenkan 46 sano jirka ah 8 Diisambar 2021 kii u qaadday hawada sare oo uu 12 maalmood soo joogay. Farriin uu bartiisa twitter ka ku baahiyey intii uu hawada ku maqnaa oo ay ka dareen celiyeen dad 10 milyan ka badan ayaa uu ku yidhi, “Tani waa farriintii ugu horreysay ee aan hawada sare ka soo diro” waxa aanu soo raaciyey Sawirro uu xidhan yahay garan iyo surwaal gaaban oo muujinaya isaga dayaxgacmeedka dhex sabbaynaya.

Maezawa oo safarkan ku bixiyey 80 Milyan oo doolar, muddadii uu hawada sare joogay waxa uu ku sugnaa sugnaa saldhigga Caalamiga ah ee hawada sare (ISS) oo dhulka ku wareega 16 geeddi maalin kasta, taas ayaana u suurtagelisay in uu sawir guud oo fiican ka qaato muuqaalka adduunka.

Mar uu soo noqoshadiisa kaddib warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in uu ka dhex baxay noloshii adduun ee maskaxda mashquulka ku abuuraysay. Isaga oo ku taamay in ay ahayd maalmo ay maskaxdiisu nadiif u noqotay sida ilmaha dhashay, taas oo u saamaxday in uu si fiican uga soo baaraan dego qorshayaashiisa ganacsi. Isaga oo sida uu sheegay la soo noday fikirka Mashruuc ganacsi oo uu dhowaan bilaabi doono.

Dhinaca kalana, waxa uu kula taliyey hoggaamiyeyaasha dunida in ay safarro noocan ah hawada sare ugu baxaan. Isaga oo sheegay in ay ka soo baran karaan casharro uu ka mid yahay muhiimadda ay leedahay wada shaqayntu.

Kamaal Marjaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com