Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Daadufadeeyey In xukuumadda Federalku Magacowdo Guddida Doorashada Xildhibaanada Waqooyi
November 1, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews)
-Guddoomiyaha baarlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi
Cabdullaahi, ayaa sheegay inaanay xukuumada Soomaaliya xaq u lahayn inay soo
magacowdo guddida maamulaya doorashooyinka Wakiilada gobolada Waqooyi u
matalaya labada Aqal ee Baarlamaanka.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ku saxeexan-yahay oo ay maanta heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, isaga intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya isku dayayso in ay magacaabayso guddidan iyadoo la tashanaysa siyaasiyiinta gobolada waqooyi, laakiin wuxuu caddeeyay haddii tallaabadaas la qaado in ay dhaawac ku tahay hannaanka madax banaanida doorashada.
Gudoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay xukuumadda federalka in aysan xaq u lahayn in ay iyadu soo magacowdo guddiga doorashada, wuxuuna gudoomiyuhu tilmaamay in la raacayo hannaankii doorashadii 2016.