HAYAANNEWS.NET
Suxufiyiinta Somaliland oo Si Adag u Qaaddacay Go’aan iyo Guddi aan Sharci ahayn oo Wasiirka Warfaafintu Magacaabay
November 25, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):-
Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Weriyeyaasha ka
hawlgala warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, ayaa kulan ay maalintii Isniinta
ku yeesheen Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo SOLJA soo qaban-qaabiyey
dood iyo kala war-qaadasho ka dib, waxay ku qaaddaceen, isla markaana
Sharci-darro ku tilmaameen Guddiga Dib-u-eegista Ruqsadaha Hay’adaha
Warbaahinta oo uu shalay magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo
Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo sidoo kale
diiwaangelinta Saxaafadda online ka ah iyo Weriyeyaasha, go’aammadaas oo aanu midna
awood Sharci oo u oggolaanaysa u cuskan Wasiirku.
Kulan Ururka SOLJA soo
qabanqaabiyey oo ay Weriyeyaasha iyo Madaxda Ururku isugu yimaaddeen oo maanta,
waxaa ka hadlay La-Taliyaha Sharciga ee Ururka SOLJA Garyaqaan Maxamuud
Cabdiraxmaan, Maxamed Axmed Gurraase iyo Cfataax Ismaaciil Mursal oo isagu ku
hadlayey afka Saxaafadda Online-ka ah iyo Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac
(Xuuto), kuwaas oo sheegay inaanu Wasiirku awood u lahayn Ruqsad-bixinta
Warbaahinta ee ay awood u leedahay Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka sida uu
dhigayo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer Lambar 27/2004 oo ay Xukuumaddu ku
dhaqankeeda meel iskaga laabtay, halka Xeerka wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu
sameeyey ee Saxaafadda ay Xukuumaddu ka werwereegayso meel-marintiisa,
Baarlamaankuna aanu weli ansixin.
Xubnaha Warbaahinta la hadlay gebo-gabadii kulankaas, ayaa ku dooday inaanay aqbali doonin waxaan Sharci iyo Xeer jidaynin in Wasiir iyo Wasaaradi ku maamulaan, balse ay diyaar u yihiin in Xukuumadda iyo Warbaahinta madaxa-bannaani sharci ku wada-shaqeeyaan, hayeeshee, nidaam gole-ka-fuul ah oo aan sharciga dalka waafaqsanayn aanay marnaba kula shaqayn doonin Xukuumadda.
Guddoomiyaha SOLJA Mr. Xuuto, ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka u gudbin doonaan SOLJA ahaan dacwad ka dhan ah go’aanka is-diiwaangelinta ee uu waqtiga u qabtay iyo Guddiga Ruqsadaha ee uu Wasiirka Warfaafintu magacaabay, maaddaama oo aanay sharciga shaqo ku lahayn go’aannada Wasiirku.
HALKAN HOOSE KA DAAWO
COMMENTS
|