Xukuumadda Somaliland Oo Soomaaliya U Masaafurisay Lammaane Is Qaba Oo Lagu Eedeeyay Inay Diinta Kiristaanka Faafinayeen
November 19, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews)-Xukuumadda
Somaliland ayaa dalka ka masaafurisay lammaane is qaba, oo lagu eedeeyay inay
dalka ku faafinayeen diinta Kiristaanka.
Lammaanahan oo ay ciidamada Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen 21 September, ka dib markii gurigooda laga helay qoraalo iyo dhukumentiyo kale oo diinta Kiristaanka ah, ayaa dhawr goor la horgeeyay maxkamadda gobalka Hargeysa, waxaana aakhirkii la go’aamiyay in loo masaafuriyo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo uu ninku ka soo jeeday. Haweenayda ayaa la sheegay inay u dhalatay Somaliland.
Wakiilo ka socday
dawladaha reer Yurub ayaa la sheegay inay dawladda ka dalbadeen in la sii daayo
lammaanahaas, laakiin waxa la sheegay in dawladu diiday, aakhirkiina ay
go’aamisay in dalka laga masaafuriyo.