“Berigii Hore Isku-joog baa Lagu Dhici jiree Maxaa Inagu Soo kordhay?” Jamaal Cali Xuseen

“Berigii Hore Isku-joog baa Lagu Dhici jiree Maxaa Inagu Soo kordhay?” Jamaal Cali Xuseen

Bilowgii ilaa imika: Saaka anigoo sawiro uun eegaya ayuun bay suudhka Igu qaaday. Sawirkii iyo suudhkii Ugu horeeyey ee aan gashado waxay ahayd anigoo 18 jir ah Oo aan Hargeysa ka toshay kolkaan dugsiga sare dhameeyey ee aan ciyaaraha ku jiray, waana sawirka Ugu horeeya. Suudhkii ku xigayna Muqdisho ayaan ka toshay. ilaa aan macallin Jaamacadeed noqday, ilaa aan hantidhowre CPA, Banker, CEO, iyo siyaasi noqonaayey ee aan 13 waddan ku noolaa Oo ka shaqaaynaayey bahalkan suudhku wuu i dabasocdee goormu iga hadhi. Ilaa intii aan siyaasadda madaxa la soo galay.

Qurbaha gartoo shaqadaaba kugu khasbaysee, Imika siyaasiyiintii Soomaalida ee geeska Africa wuxuu noqday wax joogto ah (standard) in ay gashadaan maalin kasta. Berigii hore iskujoog baa lagu dhici jiree maxaa inagu soo kordhay.

Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland