“Waxa Ayaan Darro Ah in Golaha Warbaahinta Qaranka Ee Ay xukuumadu Maanta Ansixisay Uu Yahay Mid Baalmarsan Sharciga Saxaafadda iyo Qiyamka” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame-Hayaannews

“Saxaafadu waa tiir ka mid ah tiirarka dawlad wanaaga, waxaase ayaan daro ah in Golaha Warbaahinta Qaranka ee ay xukuumadu maanta ansixisay uu yahay mid baalmarsan sharciga saxaafada iyo qiyamka dimoqoraadiyada. Ujeeddada ugu  weyn ee Gole Warbaahin loo sameeyo waa;

1- In ay ilaaliyaan xuquuqda weriyeyaasha, xurmada xarumaha warbaahinta iyo guud ahaan xaqa bahda warbaahinta.

2- In ay muwaadinka ka ilaaliyaan xadgudubka kaga imaan kara saxaafada, suxufiyiinta iyo warbaahinta.

3- In ay baaraan islamarkaana dabagal ku sameeyaan dacwadaha la xiriira saxaafadda.

4- In ay ilaaliyaan ku dhaqanka xeerarka iyo anshaxa saxaafadda, kana shaqeyaan shuruucda la xiriirta saxaafadda ka hor inta aanan la horgeynin Goleyaasha sharci dejinta.

Haddaba si Goluhu u gudan karo waajibkiisa ayaa sharciga saxaafadda dhigayaa in xubnaha Golaha ay ka yimaadaan dhinacyada ay khuseyo, sida urrurada u dooda xuquuqda weriyeyaasha, mulkiileyaasha warbaahinta madaxa-bannaan, Dowladda iyo ururada bulshada rayidka oo matelaya dadweynaha, islamarkaana la marsiiyo hubin iyo turxaan bixin (vetting process), si loo hubiyo in ay ka bixi karaan mas’uuliyadda loo igmanayo iyo in kale.

Soomaaliya si kasta uu Dastuurka dimoqoraadi u yahay, weli dhaxalkii kali talisnimada iyo in dawladdu wax kasta iyada ay magacawdo waa laga bixi la’yahay.

Haddii 9-kii xubnoodba ay Xukuumaddu soo jeedisay, yaa saamilaydii kale ee saxaafadda metelaya? Maxayse tahay sababta dhinacyada ay khuseyso looga tallo-gelin waayay, xubnana ay ugu yeelan waayeen?. Guddiga Baarlamaanka ee saxaafadda waa in uu arrinkan baaritaan ku sameeyo.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame-Hayaannews