Axmed Muumin Seed, waa qeyb kamid ah tabashooyinka reer Awdal ee xukuumada Biixi

Boorama (Hayaannews)- Inkastoo Guud ahaanba Dadka Gobolkaa kasoo jeedaa, ay jeclaystaan in Qofka U matelaya Kuraasta Qaranku yahey mid kartidiisa iyo Aqoontiisu keentay, haddana Waxa uu Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed horyaal ka yahey, Shakhsiyaadka bilaa Aqoonta ah ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Safka hore usoo dhigey.

Qiimaynta Guud ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, Waxa ay Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Somaliland iyo inta sida adag rajada uga Qabta Somaliland iyo Siyaasadeedu u qabaan Xiligan in ay Burburtey Rajadii Dawladnimo ee Somaliland sababta ugu Weyni haba noqoto Marka loo eego Xubnaha Golaha Xukuumadiisa oo ukala Qeybsan Hawlagab iyo dhalinyar aan Waayo-arag aheyn horena usoo Qaban Shaqo Dawladeed, iyo Waliba Shakhsiyaad bilaa Aqoon ah oo hawsheedu ku eegtahay ‘”Haa” iyo Waayahey.

Sikasta oo ay Tahey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo sida aynu kor ku Xusney aan laheyn Aqoon Dugsiyadda Sare iyo Dugsiyadda Dhexe ah midna haseyeeshee, Salaanka Siyaasada kasoo fuuley kadib Markii uu iska Casiley 10 sano kahor Xoghayaha Gobolka Awdal ee Xisbiga Udub islamarkaana, uu ku Biirey Xisbiga Ucid oo uu isla jagadaa Gobolka Awdal uga qabtey, iyadoo aaney jirin Waagaasi Shakhsiyaad Digo joog ah oo Kasoo jeeda Beelaha Habarcafaan oo dhinaca Gobolka Awdal u qabta xilal noocaas ah mana jirin Xil dawlladeed iyo mid Shacbi oo uu hore u soo qabtey, Waxaana Xusid mudan in Aqoonyahanka, iyo Dadka caanka ahi ka kashaafayeen Xilkaa walow uu Taageero ka helay Suldaanka Beesha Cabdiraxmaan Jaamc Dhawal, oo isaguna ahaa Ragga arimaha Beesha ku adag laakiin ka Shaqeeya Jaamacada Camuud dhinaca Gaadiidka.

Hagardaamooyinka lagala Kulmey Mudo Xileedka Xukuumada Xilkan uu hayo Wasiir Axmed Muumin Seed ee Wasaaradda Beeraha oo aanu Aqoonteedii shaqo ku laheyn Waxaa hordhac u ah Siidhka lagu Dabargoynayo Waxsoosaarka Dalka oo uu u Qeybiyay Meelo badan oo kamid ah Dhulbeereedka Somaliland cabashada Beeralaydu ka qabto in Siidhkaasi shinida dalagyada kala Duwan ah Si khasab ah loogu Qeybiyay Beeralaydda.

Xigasho: Hargeisa Press.com

Lasoco Qeybta 2aad…