“Dawladaha Dumaya Ee Baaba’ayana Astaamo Ayay Leeyihiin…..” Xisbiga WADDANI

<

Hargeysa, (Hayaannews)- Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sharci daro iyo mid cadaalada ka fog ku tilmaamay xukunkii lagu riday laba muwaadin oo loo haystay inay jareen xadhiga Internetka ah ee shirkadda SOMCABLE ee dhulka hoostiisa mara.

Xoghayaha xisbiga WADANI ayaa jeelka ku soo booqday labadda muwaadin ee lagu xukumay lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar, waxaanu xukunkaasi ku tilmaamay mid aan caqliga bani’aadanka gali Karin.

“Waxaan saaka(Shalay) booqday Abwaan Baashe iyo macalin Cabdiqaadir oo lagu xukumay xukun cadaalad daro ah oo axmaqnimo ah, waxay noo sheegeen in askarta jeelka joogta si fiican ula macaamilaan, waxa kale oo aan la kulmay qoysaskoodii, Abwaan Baashe wuxuu ahaa aabo toban caruur ah u shaqeeya nin xoogsato ah oo guryaha la dhisayo ka shaqaysta ayuu ahaa, macalinkuna iskuul buu bare ka ahaa oo uu qaadan jiray wax boqol dollar ka yar waayo dawladda ayuu u shaqayn jirey, caqliga dhigaya qof boqol dolar wax ka yar qaata in lagu xukumo lix boqol oo kun oo dollar oo ganaaxa inuu bixiyo waa wax lala yaabo”ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “dawladaha dumaya ee baaba’ayana astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno maantana waddankeena si fiican uga muuqda haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto. Illaahay ayaa Qu’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay idinka kaxaynin caddaaladda laakiin, maanta waxa muuqata in madaxweynuhu cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu caddaaladda eego oo dadkiisa uu madaxweynuhu u yahay u caddaalad sameeyo in ay ka kaxaysay, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la waydiin doono.”

Shan muwaadin oo laba baxsaday ayaa maxkamada racfaanka gobolka Maroodi jeex ku xukuntay lacag dhan lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollarka Maraykanka ah, taas oo baddi dadku la yaabeen xadiga lacagtaasi oo badan awgeed.