Madaxweyne DENI Oo Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada GAALKACAYO.

Puntland(Hayaannews): Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa shaaciyay inuu kala direy gebi ahaanba Gollaha Deegaanka Degmada GAALKACAYO.

Sidaa Waxa lau sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay Madaxweyne Deni oo caawa nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabduulahi Deni ayaa qoraal uu goor dhow oo caawa ah Xafiiskiisa ka soo saaray ku kala diray Gollaha Deeganka Degmada Gaalkacyo.

isagoo cuskaday qodabadan sida lagu tilmaamay qoraalka:

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey :-

  1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Hayaannews, Office

Gaalkacayo, Puntland