Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Suldaankii Guud Ee Beelaha Somaliland Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qeybgalay. DAAWO SAWIRADAN:

Hargeysa(Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo badhtamaha caasimadda Hargeysa loogu sameeyey suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ahaa salaadiinta faca-weyn, kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka dhacay xabaalo ku yaalla badhtamaha Caasimadda Hargeysa oo ay hore ugu Aasnaayeen waalidiintiisii, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay badiba Madax-dhaqameedka Somaliland, Garaaddo iyo Madax-dhaqameed ka socday dalalka deriska ah, hoggaanka Axsaabta qaranka (KULMIYE, UCID iyo WADDANI), Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Aqoonyahan, Haldoor kala duwan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Somaliland, waxana si wada-jir ah loogu duceeyey Suldaanka geeriyooday.

Madaxweynuhu waxa uu suldaanka geeriyooday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, isaga oo sidoo kalena wiilkii curad ee marxuumka isla maantana loo caleemo saaray suldaannimona ugu duceeyey inuu hawsha suldaannimo u fududeeyo, “Ilaahay ha u naxariisto suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo aynnu maanta halkan uga ducaynaynaa inankiisii oo maanta isagana loo caleemo saaray suldaan, isagana Ilaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa fiidkii hore ee xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, waxana uu hormuud u ahaa madaxda dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xilka suldaannimona soo hayey muddo ku siman 45-sannadood.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ka soo jeeday saldanad guun ah oo abtirsatay, soona unkantay dabayaaqada qarnigii 16-aad. Waa saldannada ugu faca-weyn guud ahaan beelaha Isaaqa, iyadoo marka tirsiga laga soo bilaabo Odaygii la odhan Cabdi Ciise oo loo cumaamay inuu noqdo Chief caaqilka guud intii u dhexaysay sannadihii 1680 ilaa 1750. Marka laga hadlayo xil-dhaqameedka suldaannimo waxa ay ka soo bilaabmaysaa Suldaan Guuleed Chief Caaqil Cabdi Ciise, kaasoo cumaamadda saldannada hayey muddadii u dhexaysay 1750 ilaa 1808, sidaas ayaana loogu bixiyey Guleid Dynasty.

Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir (Suldaanka Cusub ee la caleemo-saaray)

Wixii intaas ka dambeeyey saldannadu waxa ay u soo kala gudubtay ilaa sagaal fac oo uu u dambeeyey Allaah ha u naxariisatee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Caasimadda Hargeysa ku geeriyooday maanta oo ah maalin Jimce ah, taariikhduna tahay 12 February 2021, isagoo cummaamadda saldannada beesha Ciidan-gale hayey laga soo bilaabo 1975 ilaa 2021, waxaanna halkaas ka sii socon doonta faca saldannada dhaxaltooyada ah ee ugu faca weyn beelaha Isaaqa.

Saldanadda Ciidagale waa saldanad fac weyn oo magac, sumcad iyo qaddarin badan ku dhex leh bulshada Soomaalida, geesta kalena waa saldanad taariikhi ah oo laga yaqaan meelo ka baxsan dhulka Soomaalida, gaar ahaan Boqortooyada UK, maadaama oo uu Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye oo xilkan hayey intii u dhexaysay 1939 ilaa 1967 uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiintii doorka weyn ku lahaa in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu xornimada ka qaato Boqortooyada Ingiriiska, kuwaasoo safar ku tegay magaalada London, si ay u soo saxeexaan madaxbannaanida Somaliland ay heshay 26 June 1960.

default

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland