Agaasimihii Telefiishanka Astaan Oo Maxkamadda La Horkeenay, Xidhanna 81-Cisho


Hargeysa(Hayaannews): Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta la hor keenay Cabdimannaan Yuusuf Agaasimaha Astaan Cable TV oo 81 cisho xukun la’aan ugu xidhan Hargeysa.

Qayb ka mid ah dacwadda ayaa la dhegaystay maanta. Welina xukun lama soo saarin. Garsoorka ayaa hore u laalay eed ahayd in uu gudbiyay siro ka dhan ah Qaranka Somaliland. Maragyo loo keenay inay eedaha rumeeyaan ayaa iyaguna wax cad aan dadka hor keenin.

Rumaan, galdacwadeed, baadhid, marag iwm ayuu qofku 3 bilood u xidhnaadaa.

Cabdimannaan Yuusuf Agaasimaha Astaan Cable TV

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland