|
|||||
HAYAANNEWS.NET
Agaasimihii Ururka Fulinta SOLJA Oo Is-Casilay, Kana Hadlay Duruufaha Haysta Saxaafadda Somaliland.
December 10, 2020 - Written by admin”Warbaahinta Somailand waxa haysta Caqabaddo waaweyn oo ubaahan in wax laga qabto xoriyaddeeda iyo tayadeedaba” Hargeysa(Hayaannews); Agaasimihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yahye Xanas ayaa sheegay inay warbaahinta Somaliland ay haystaan caqabado waa- weyn oo u baahan in wax laga qabto, isla arkaana waxa uu soo bandhigay muddadii uu la shaqeynayay SOLJA waxa u qabsoomay. Sidaa waxa u uku sheegay Yahye Xanas maanta qoraal uu u saxeexan-yahay oo ay nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews. Waxaanu u dhignaa sidan: “Muddo 5 sanno ah oo aan ahaa Agaasimaha Fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa aan si iskay ah uga tegay Shaqadii aniga oo sii ambaqaadi doona qorshahayga geedi-socodka horumarineed shaqo-kalena ku wareegay. Intii aan ahaa Agaasimaha SOLJA, waxa aan qabanay wax la taaban karo oo ay ugu mugweyn yihiin: -Dhisidda Xafiis shaqaynaya oo u dhamaystiran yihiin agabkii, shaqaalihii iyo shuruucdiisa, maanta SOLJA waa ururadda u cad-cad kuwa Bulshadda oo wadda-shaqayn la leh ururadda Gobolka iyo Caalamkaba, kuwaas oo si joogta ah ugu soo casuuma shirarka oo u saamaxay in ay Masuuliyiintu cilaaqaad la yeeshaan dhigoodda caalamka. -Diwaangelinta Suxufiyiinta oo casri ah -Hirgalinta Kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa. -Qabyo-Qoraalka Xeerka Saxaafadda oo maanta xarunta Baarlamaanka u yaal Ansixintiisa. – Aasaasidda Cawke Media Award iyo qabashada shirka Saxaafadda 5 sanno o xidhiidh ah. -Tababarro joogta oo ku xidhan baahiyaha Suxufiyiinta iyo Hayadaha Warbaahinta. – Ka qayb-galka Shirarka caalamka ah oo lagaga tashanayo Horumarinta Saxaafadda, oo sahlay in SOLJA ku biirtay dallado caalami ah oo u taagan ilaalinta Xoriyadda warbaahinta sida Centre for Protection of Journalists-CPJ, Reporters without Borders, African Media Leaders Forum-AMI iyo Global Media Development Forum-GMFD. Iyadda oo sidaas ah hadanna warbaahinta Somailand waxa haysta Caqabaddo waaweyn oo ubaahan in wax laga qabto oo ay u horeyso Xoriyaddeeda iyo Tayadeedaba in kor loo sii qaado. Runtii SOLJA keliya ma ahayn Xafiis aan u shaqo tago, waxa ay ii saamaxday in aan wadda-shaqayn la yeesho masuuliyiinta u saraysa dalka, masuuliyiin iyo dad magac ku leh Soomaalidda, Africa & Caalamkaba.” Hayaannews, Office Hargeysa, Somaliland Email: Hayaannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|