“Aniga Iyo Muuse Biixi Kursigaanu Isku Haysanaa, Waanan Ka Dhacsan Doonaa….” Cabdiraxmaan-CIRRO


Sweden(Hayaannews) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi isku hayaan Kursiga Madaxweynanimada oo uu ka dhacsan doono, isla markaana waxa uu ku dooday inuu soo dhaweynayo Siyaasiyiinta isaga bixi doona Xisbiga KULMIYE.

Sidaa waxa uu Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay mar uu ka hadlayay dalka Sweden oo uu safar shaqo ku joogo.

Dr  Cabdiraxmaan Cirro gudoomiyaha xisbiga Waddani oo isagoo ku sugan Sweden waraysi laga qaaday ayaa yidhi “Aniga Iyo Muuse Biixi Kursigaanu Isku Haysanaa, Waanan Ka Dhacsan Doonaa, Haddii Aan Markii Hore Ka Dhacsan Kari Waayey Dagaal Kale Ma Jiro.” Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan haddii siyaasiyiinta waaweyn ee Kulmiye ee ka biyo diiday Shirweynaha Xisbigoodu ay yimaadaan Waddani.

Guddoomiye Cirro oo waraysigan siiyay Bulsho Tv, waxa uu xusay in xisbiyada dhexdooda inta badan ay ka jiraan kala fikir duwanaan keenta khilaaf, waxaanu u rajeeyey kulmiye in Shirweynahoodu si wanaagsan ugu dhammaado, waxaanu yidhi “Muran waa qayb nolosha ka mid ah oo uu jira amma Xisbi ha noqoto amma xukuumadda, asxaabtana waxa loo samaystay in la kala fikir duwanaado, oo kuma odhan karo dadka ku jira Xisbiga Waddani oo dhan waa isku wada fikir, waxbaa laga hadlayaa waa lagu kala duwanaanayaa, damac ayaa jira waa lagu kala duwanaanayaa, markaa in muran jiro iyo in fikir kala duwanansho jiro waxaan u arkaa arrin dabiici ah, asxaabtana hore uga dhacay.”

Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey in kala qaybsanaanta Kulmiye uu Xisbigiisa Waddani ka faa’idaysanayo, waxa uu ku jawaabay “Horta aanu aragno, waanay dhacdaysaa oo annaguba markii aanu shirka qabanay, qaar baa innaga tegay siyaasiyiin waaweyn ah oo imika Xukuumadda Kulmiye ka mid ah oo qaar badan Wasiirro yihiin, qofku inuu Xisbiga ku jirana Jeel maaha oo wuu ka bixi karaa, markaa haddii ay run noqoto oo ay siyaasiyiintaas waaweyn soo baxaan Xisbiga Waddani waxa uu ka mid yahay meelaha soo dhaweynaya, annaguna waxaanu u rajaynaynaa in shirkooduna guul ugu dhamaado, wax faro gelin ah oo aanu dabada ka riixaynaana ma jirto.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka hadlayey xafladda Jaaliyadda Somaliland ee Sweden u qabatay, waxa uu kula dardaarmay Jaaliyadda Somaliland ee qurbaha jooga  in ay ilaaliyaan midnimadooda, isaga oo xusay in asxaabta sababaha loo samaystay ay tahay in lagu tartamo, waxanu yidhi “Dagaal kale ma jiro, laakiin hoggaaminta iyo awoodda dalka lagu tartamayaa, Muuse kursiga uu ku fadhiyo ayeynu isku haysanaa, aniga iyo Muuse kursiga ayaanu isku haysanaa, markii hore haddii aan ka dhacsan kari waayey, imika waxaan doonayaa in aan ka dhacsado. Qoryo ma qaadanayno, laakiin hannaan dimuqraadi ah ayeynu qaadanay”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland