“Arrintii Doraad Ka Dhacday Golaha Waxay Ahayd Nasiib-darro, Oo Aan Ka Xunahay….” Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif

“Buuqii Golaha Ka Dhacay…Laguma Kala Qeybsana Xisbinimo Ee Waxa La Isku Khilaafay Aragtii” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka hadlay Dhacdadii Dorraad khal-khalka gelisay ammaanka Golaha, taas oo ka dhalatay gacan-ka-hadal dhexmaray qaar ka mid ah mudaneyaasha.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sheegay in dhacdadaasi ka mid ahayd dhacdooyinka dabeecadaha Goleyaasha Sharci-dejinta iyo murannada sharci ee mudaneyaasha dhex-mara, Balse waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay rasaastii Golaha ka dhacday oo ka dhashay Muran iyo hujuun dhexmaray Xildhibaannada qaarkood iyo Ciidanka Booliska.

“Buuqii Golaha ka dhacay waxay ka mid tahay dabeecadda Goleyaasha, xildhibaannaduna waa rag saaxiibo ah intii si shakhsi ah wax u dhexmareenna gacanta la isu saaray oo wax dhib ah oo dhexyaalla ma jiraan.”.Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo maanta la hadlayay qaar ka mida Warbaahinta.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Laguma kala qaybsana xisbinimo ee waxa la isku khilaafay waa aragti taas oo mid ba si u waajahay taasna tafsiir sharci bay ku kala baxayaan cid is muquuninaysana ma jirto xumaan golaha dhextaallana ma jirto wixii jirana Golaha dhexdiisa dhammaysanaya sidaas ayuu Goluhu shaqadiisii maalin laha ahayd ku qabsanaya..,”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com