Cabdillaahi-jawaan Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Taagan Muqdisho Oo Laga Dareemay Gudaha Somaliland
November 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa
(Hayaannews) – Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa ka hadlay
khilaafka ka dhexeeya Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo Raysal-wasaare
ku xigeenka Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya xulista Xildhibaanada dhalasho
ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Siyaasiga
Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku
tilmaamay muddada loo qabtay Diiwaangelinta, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku
bilaabay sidan “Muqdisho sida aad ogtahay calankii shanta gees ee shanta
Soomaaliyeed ka dhexeeyey ayaa Dastuurka ugu qoran, in Soomaali shanta Gobol
calankaasi ka dhexeeyo, reer Jabuuti ayaa Barlamaanka ku jira, kuwa Itoobiya ka
tagay baa ku jira, kuwa NDF Kenya ka yimid ayaa ku jira, iyo kuwii Soomaaliya
ayaa jooga, shantii Soomaaliyeedba Barlamaanka Soomaaliya way ku jiraan, haddii
qabiil loo eego waan ka xumahay in labadoodii ugu sareeyey ee mid ahaa Guddoomiyaha Guurtida ee aqalka sare ee
Soomaaliya, midna ahaa Raysal-wasaare ku-xigeen in la iska soo hor jeediyey,
waxay ku tahay gunimo, waxay ku tahay fool xumo, waxaan leeyahay waar labadiinu
ha wada hadlina, ee Cabdi Xaashi haddii uu yidhi “Haddii gobol lagu sheegayo
iyo haddii qabiil la eegayaba, waxaan ahay ninkii ugu sareeyey ee wax ha laga
iga weydiiyo xaq buu u leeyahay, Mahdina waxaan leeyahay is kaashada oo ha kala
baydhina, anigu waxaan idiin arkaa niman shaqo tagay, Soomaali oo dhan baa u
shaqo tagta meesha oo anigu idinku eedayn maayo ee iska shaqaysta, laakiin
idinku ha iska hor imanina”.
Mar uu ka hadlaayey Siyaasiyiinta reer Somaliland ee Soomaaliya taga isla-,markaana dib ugu soo laabta dalka ayaa yidhi “Markay halkan yimaaddaan dantoona gaadhaan, warqad yar oo saamaxad ah ayaa loo qoraa, oo nin walba aqalo ayuu dhistaa, anigu dambiilayaal ma sheegayo ee dad shaqo tagay ayaan sheegayaa, laakiin anigu dambiile waxaan ku sheegayaa ninka Somaliland la dagalaamaya ama ka soo hor jeeda ama ceebaynaya”.
Mar
uu ka hadlayey Diiwaangelinta ayuu yidhi “Diiwaangalin afar cisho ah, toban
cisho iyo labatan cisho midna laguma qabto ee Diiwaangelintu waa inay furnaataa
oo ninku marka uu kaadhkiisa aqoonsiga la yimaaddo warqadda codaynta la siiyaa,
mudada loo qabtay ayaa khalad ah, waa meelaha aynu ku khaldan nahay oo
DImuqraadiyaddii iyo Doorashadiinaba aynu ka ambanayno oo aynu qarda jeexayno”
Dhanka
kale, wuxuu xusay in mar walba loo baahan yahay in qof walba oo qaandhaa
wakhitga uu doonaba ha qaangaadhe inuu helo xuquuqdiisa uu ku codayn karo oo
aan lagu xidhin sanado iyo wax la mid ah, wakhtigana aan loo qaban, waxaanu
xusay inay jiraan dad badan oo reer guur ah, oo aan fursad kooban oo loo qabtay
aan ku iman karin.