“Ceeb Bay Nagu Tahay in Lacagtii Caanaha Caruurteena Ee Loo  Soo Ururiyey Dhismaha Suuqa WAAHEEN La Yidhaahdo Waxaa La Siinaya Shirkado Shisheeye ah” Aadan-DHOOLA-YARE.

Aadan Dhoolayare-Hayaannews

Qaar ka mid ah waxgaradka Somaliland ayaa diidmo kala horyimi heshiis dhex marey Somaliland iyo shirka ajnebi ah oo lagu siiyey qandaraas dhismaha suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo burburey sanad ka hor kadib aafo dab ka kacey gudahiisa.

Aadan Axmed Cilmi (Aadan-Dhoollayare) oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah ayaa isagu ka hadlay qandaraaska shirkada shisheeye lagu siiyey dhismaha suuqa Waaheen isaga oo ku tilmaamey inuu-yahay mid aan xaq ahayn in la siiyo ajanebi maadama la heli karayey shirkado waddani ah oo dhisi karaya suuqaas.

Siyaasi Dhoolayare ayaa qoraal uu kaga halayo arrintaas oo uu helay  Shabakada Wararka ee #HayaanNEWS, isaga oo faah-faahsan  u dhignaa sidan;

“MAD AAN IS INDHA BUUXIN OO JECEL SHIISHEEYAHA,QAADHAANKA LAGA URURIYAY SOMALI OO DHAN XAQ UMA LAHA IN LA YIDHA SHIRKADO SHIISHEEYA AH BAA QANDARASKA LA SIINAYA.

WAA IN LOO YEEDHA OO LAGA FAAIIDAYSTA KHUBRADA REER SOMALILAND IYO SOMALIDA KALEBA WAA IN LALA TASHADA OO LEH KHIBRAD IYO AQOON KA SARAYSA TA AY LEEYIHIIN INAMADA YAR YAR EE WATA SHIRKADDA LA SHEEGAYO EE LALA DOONAYO DHISMAHA WAAHEEN.

Maanta dalkeena wuxu leeyahay dad aqoon sare u Leh dhismayaasha caalamiga ah debedda iyo gudahaba wey joogaan,shirkado wax dhisaana wey joogaan. Kolki Hore ayay ceeb inagu ahayd in la siiyo qandaraaska shirkad reer Sudaan ah oo la yidhi waxbay nakhshadaysa oo la siiyay lacagti caanaha caruurta ee qurbaha iyo gudahaba laga soo ururiyay.

Dal faqiir ah oo Leh dad aqoon iyo kartiba Leh oo Kala jooga wadanka gudihiisa iyo debediisaba ayaynu nahay,waxaynu leenahay injineero iyo qaar sameeya nakhshadaha nooc kasta oo maanta aduunka la Jaana qaada midda kale maanta aqoontii caalamku waxay ku jirta Barta youtube ka oo lagala soo bixi Karo wax alaale wixii aad u baahanto ceeb bay inagu tahay in Dal faqir ah oo u baahan in lagu celiyo hantida dadka laga soo ururiyay in loogu baaqo shirkado shiisheeyaha oo ay leeyihiin qaar aan ka aqoon badnayn aqoonyahan Keena xaga dhismaha.

Malaa faan bay u haystaan in la yidha shirkad wadan kale laga leeyahay baa wax inoo dhisaysa.

Waxa fiican in laga faaiidaysto dadka aqoonta Leh dhismayaasha caalamiga ah ee u dhashay Somaliland haday u fogaato in la tix geliyo Somalida kale waa haddi la waayo muwaadinin kolay lama waayaye waa lagu kabi karaa.

Ceeb bay inagu tahay in lacagti caanaha caruurteena ee la soo ururiyay la yidha waxaa la siinaya shirkado dhisme oo shiisheeye ah.

Waxaa waajib ah in la doono oo baaq loo diro Cid kasta oo Wax ka taqaana dhismayaasha casriga ah ee reer Somaliland ee Dunida Kala joogta oo ay jiraan weliba qaar ka aqoon badan shirkadahan la sheegayo waa in baaq loo dira oo laga faaidaysto aqoontooda oo iyaga xaq u Leh lacagta la siinayo inamo yar yar oo ka dhashay dawlado Hana qaaday oo ay ka aqoon badan yihiin injineeradeenu .

Imakana waxaan leeyahay shirkadaha la leeyahay qandaraasyo ayaa la siiyay ha la joojiyo oo ha loo yeedho khubarada aqoonta u Leh dhismaha ee reer Somaliland ee Dunida joogta iyo kuwa wadanka gudihiisa joogaba oo Wax ha la weydiiyo.

Marka loo yeedho waxay dawladu u samayn karta injineerada Dallad guud oo la yidha talo iyo daba gal ku sameeya nakhshada dhismaha oo la siiyo shirkado wadani ah. Mar haddi ay jiraan Cid Leh khibrada ay leeyihiin shirkadaha dhismaha shiisheeye waa in laga faaidaystaan khubarada muwaadiniinta ay leeyihiin oo samayn Kara nooc kasta oo nakhshad iyo dhisme caalami ah ee maanta caalamka laga dhisi Karo.

Waxaynu nahay umadda keliya een is Indha buuxin oo indhaha ka laliyay dadkooda oo jecel shiisheeyaha.Arinka waa in Dib la isugu noqdo oo la tix geliya khubaradeena dhismaha oo dhisi Kara dhisme kasta oo Casri ah.”

Aadan Dhoolayare-Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com