Cilado Iyo Caqabado Is-barkan Oo Ay La Kowsatay Diwaan-gelintu Iyo Fadeexada Komiishanka Doorashooyinka 

“Waa Khasab in muddo ka baddan afartan cisho la kordhiyo si la isu-diwaangeliyo”. WAREYSI Maayirka Degmada Balligubadle Gurey Iimaan

Baligubadle(Hayaannews): Diwaan-geinta cod-bixiyayasha ayaa maanta si rasmiya uga bilaabantay deegaanada toddobada degmo doorasho ee kala ah Degmada Saylac, Lughaya, Baki, Boorama, Gabiley, Balligubadle iyo Salaxlley.

Deegaanadan ay ka bilaabantay diwaangelinta codbixiyayaasha doorashadu ayaa wararka soo gaadhaya Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay tibaxayaan inay caqabado xoogan ay kala kulmeen badiba deegaanada ay ka bilaabantay is-diwaangelinta codbixiyaasha.

Marka laga tago magaalooyinka waa weyn oo ay xoogan tahay adeegyada isgaadhsiinta (Internet-ka),iyo tamarta dabku (Laydhka)

Sida ay  u xaqiijyeen Shabakada Wararka ee Hayaannews dad goob-joog ah, waxa ay sheegeen inay jiraan goobo ka mida deegaanadaa aynu soo sheegnay in ilaa hadda aanay shaqo ka bilaabmin, goobaha qaarna ay ka bilaabantay gelinkii danbe maanta, iyada oo ay soo gaadhay niyad-jab iyo lugooyo dadweynihii meelaha fog-fog uga yimi diwaan-gelinta codbixiyayaasha, kadib markii ay la kulmeen qaar ka mid ahi goobo baddan oo aanay shaqo ka socon iyo kuwo ay hoosayso habsi u socodka shaqada diwaangelinta doorashadu

“Suurtagal maaha in muddo afar cisho ah lagu diwaangeliyo dadka doonaya inay is-diwaangeliyaan ee degen deegaamada Gobolka HAWD, sababta oo ah goobaha codka laga dhiibanayo oo yar iyo dadka oo baddan, iyada oo aan hal goob loo kordhin degmadan 20-kii sannadood ee ugu danbeeyey ee ay goobuhu shaqo-galeen iyo ciladaha faraha baddan ee ku yimi diwaangelinta codbixinta daradeed ”. Ayuu yidhi Maayir GUREY.

Sidoo Kale, Maayir GUREY Iimaan waxa uu tilmaamay ciladaha caqabada ku keenay habsami u socodka shaqada diwaangelinta codbixiyayaasha.

“Maanta waxa ka bilaabantay dhammaan deegaanada degmada Balligubadle diwaangelinta codbixiyayaasha oo runtii caqbad weyn aan kala kulanay, waxa shaqeyn waayay 7-goobood oo ka mida goobaha codbixintu ka dhacayso ayaa cilad farsamo ku timi,waxa shaqeyn waayay mishiinadii dab dhalinta oo ahaa kuwo yar-yar oo kululanaya markaba, sidaana lagu waayay dabkii  ama laydhkii shaqadu ku socon lahayd”.Sidaa waxa yidhi Maayirka Degmada Baligubadlle Cabdi Iimaan Jaamac (Gurey) oo u waramayay caawa Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Duqa Caasimada Baligubadle isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Sidoo Kale, waxa xumaaday qaar ka mida qalabkii Computer-ada ee lagu shaqeynayay, iyo qaar ka mida dadka ka shaqeynayay qalabkaa wax lagu diwaangeliyo oo aan aqoon baddan u lahayn ku shaqeynta Computer-ada”.

Maayirka Baligubadle Gurey waxa uu fariin u direy Komiishanka doorashooyinka Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi“Nama kaafiyeyso muddada kooban ee afarta cisho ahi ee la yidhi dadka ha lagu diwaangeliyo. Waxa Khasab ah  in la helo muddo ka baddan afartan cisho oo korodhsiimo ah si dadweynuhu isu-diwaan-geliyo”.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com