Colaada Markale Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Gobolka Sanaag
April 27, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa(Hayaannews news)-Laba qof ayaa ku geeriyooday hal qofna dhaawac culus ayaa soo gaadhay ka dib Colaad markale ka soo cusboonaatay deegaanka gobolka Sanaag Colaadan ayaa waxay ka bilaabmatay ka dib markii nin ah Habar Yoonis / Muuse Ismaciil / Muuse Tolwaa Ah ah uu toogtay nin kale oo Habarjeclo Ah Gaar ahaan Jilibka Biciide “Baho” ah, waxaana islama markiiba ka fal celiyay dilkaasi mid ka mid ah beesha wax laga dilay waxaana uu toogay laba qof oo midna qudh baxay halka kalena dhaawaciisu culus yahay.
Deegaanka mashaqadu ka dhacday ayaa wax layidhaahdaa Dhadhin Yaxye Iyo God Caanood