CPJA, Human Right Watch Iyo Amnesty International Oo Warqad Ku Socodsiiyay Madaxweyne FARMAAJO


Muqdisho(Hayaannews):- Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta Dunida ee CPJ iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International, ayaa Warqad wada-jir ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Warqadda ay saddexdan Hay’adood u direen Madaxweyne Farmaajo, ayey ku muujiyeen walaaca ay ka qabaan sharciga Saxaafadda Soomaaliya ee wax ka beddelka lagu sameeyay dhawaan, waxaanay ka codsadeen Madaxweynaha inuu qaado tallaabooyin la taaban karo oo lagu ilaalinayo xorriyadda Saxaafadda iyo badbaadada Suxufiga, inta lagu guda-jiro doorashooyinka soo socda.

Amnesty International, CPJ iyo Human Rights Watch, ayaa sidoo kale Madaxweynaha federaalka Soomaaliya ku boorriyay inuu dib u eego sharciyada kale ee halista ku ah xorriyadda Saxaafadda, oo ay ku jiraan xeerka ciqaabta guud.

Waxay ugu baaqeen inuu arrimahaas wax ka qabto ka hor doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee la qorsheeyay dabayaaqada 2020 iyo horraanta 2021 inay Soomaaliya ka qabsoomaan.

Saddexdan urur ee caalamiga ahi waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu ugu baaqo hay’adaha garsoorka iyo amniga inay joojiyaan xariga iyo dacwadaha suxufiyiinta iyo in hay’adaha amniga ay ixtiraamaan xuquuqda suxufiyiinta iyo sidoo kale in la hubiyo in dacwad oogaha cusub ee la soo magacaabay dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta uu si deg-deg ah oo dhex-dhexaadnimo ah u baadho rabshadaha ka dhanka ah Weriyayaasha.

Guddiga badbaadinta Saxaafadda dunida ee CPJ, waxay Soomaaliya ku magacawday waddanka ugu rikoodhka xun ee aan cadaaaladda la horkeenin gacan-ku-dhiigleyaasha dilalka u geysta Suxufiyiinta, iyada oo lagu soo bandhigey qiimeynteeda Global Impunity Index.

Ururrada Saxaafadda Soomaaliya, ayaa hore dood uga keenay wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Saxaafadda ee Baarlamaanku ansixiyey, isla markaana waxay ku tilmaameen qodobbada ku jira qaarkood, kuwo dhib ku ah xorriyadda Warbaahinta, iyagoo ku dooday inay ku shaqeeyana duruuf adag oo aanay xeerarka dalku u hiilin, sidoo kalena dowladdu waxba ka qaban dilalka loo geysto Weriyeyaasha dalka ee ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee madaxa-bannaan, halka kuwo kalena ay dowladda lafteedu xadhig iyo handadaad u geysato.