Dacwad Xasaanad Ka Qaadis Ah Oo Laga Gudbiyay Xildhibaan Su’aal Weydiiyay Madaxweyne Deni

Garoowe (Hayaannews)- Xeer ilaalinta guud ee dawlad goboleedka Puntland, ayaa shalay dacwad xasaasi ah ku soo oogtay, Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada maamulkaasi oo dhowaan su’aal adag weyddiiyey Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.

Warqad uu ku saxeexan yahay xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland, islamarkaana Guddoonka baarlamaanka maamulkaasi la gaadhsiiyey ayaa waxaa looga codsaday in xasaanada laga qaado Xildhibaan Daad, si loogu soo oogo dacwadda loo haysto.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa xildhibaanka ku eeddeeyey inuu ku xadgudbay shuruucda u taalla dawlad-goboleedka Puntland, loona baahan yahay in lala xisaabto, si wax looga weyddiiyo hadallada xanafta leh ee uu ku dhawaaqay.

Sidoo kale warqadda ayaa lagu sheegay haddii guddoonku ogolaado dalabkan in xeer ilaalintu ay soo gudbi doonto eedda loo heysto xildhibaankaasi oo 26-kii bishan ka cadhaysiiyey Madaxweynaha Puntland oo ku sugnaa xarunta golaha wakiilada