Dagaalka LAASCAANOOD Wuxuu U Baahan-yahay Doodo Qoto Dheer iyo Dhexdhexaadiyaal Furi Kara Qodobada Laysku Hayo.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo hore u sheegay in dagaalka Laascaanood uu yahay mid Siyaasadeed ayaa Muqdisho ka soo dhaq-dhaajiyey qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka Koonfurta Soomaalia,kuwaas oo  ku soo wajahan Magaalooyinka Laascaanood iyo Hargeysa ayaa ujeedada socdaalkooda lagu micneeyey mid la xidhiidha sidii ay waanwaan nabadeed uga dhex raadin lahaayeen labada dhinac ee ku dagaalamaya deegaanka Laas-caanood (Somaliland iyo Jamaahiirta reer Laascaanood).

Odayaashaas oo iminka ku sugan Magaalada Garoowe  ayaa safarkooda xaldoonka ah inkasta oo loo baahan yahay in laga hawlgalo joojinta dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka Soomaaliyeed haddana waxaa ka abuurmey doodo ah in wakhtigan mowduuc dhaqan ka furan yahay Magaalada Laascaanood.

iyada oo inta badan bulshada Soomaaliyeed ay qabaan  aragti ah in dagaalka Laascaanood yahay mid Siyaasadeed oo aan lahayn weji kale ayaa talaabadan odayaasha reer Koonfureed lagu micneyey iney tahay mid bixineyso signal ah “labo qabiil ayaa ku dagaalameyso degaanka Laascaanood”.

Taas oo ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Laascaanood iyo mowduuca  dagaalka Laascaanood labadaba.

Dagaalka Laas-caanood oo sababey khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barokac, iyo burbur hantiyeed ayaa dad badani aaminsan yihiin inuu u baahan yahay doodo qoto dheer iyo dhexdhexaadiyaal furi kara Qodobada laysku hayo.

Urur Goboleedka IGAD ayaa hore u sheegay inuu ka fikiraya sidii loo heli lahaa xal lagu soo afjaro dagaalka Laascaanood iyada oo ay weli cakiran tahay xaalada Laascaanood ayaa isha lagu haya hawsha odayaasha dhaqanka Muqdisho iney keeni karto xal badbaadiya dhiig dadka Soomaaliyeed ee ku daadanaya Laascaanood, balse, dhinaca kale, dedaalkoodu caqab ku noqon karayo mustaqbalka dambe Siyaasadaha isdiidan ee labada dhinacba. sida, damaca Somaliland ee qadiyada gooni isu-taaga iyo aragtida midnimada Soomaaliya-weyn ee ay aaminsan yihiin Bulshada Gobolada Sool ,Sanaag iyo Cayn.