Dalka Maraykanka oo Somaliland ku Ammaanay Dimquraadiyada iyo Hanaanka Doorashooyinka

Washington(Hayaannews) Baarlamaanka Maraykanka ayaa amaanay nidaamka dimoqraadiyadda iyo hanaanka Doorashooyinka, isla markaana xukuumada ka dalbaday taageerida Doorashooyinka soo socda, sida Taiwan, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo kuwo kale.

Dood shalay Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika, Caafimaadka Adduunka, iyo Xuquuqal-insaanka Caalamka ka yeesheen doorashooyinka Afrika ayuu Xildhibaan Chris Smith ku ammaanay Somaliland horumarka Dimuqraadiyadda ay ku tallaabsatay & doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo deegaanka u qorsheysan bisha 31st May.

“Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan sheego fariin wanaagsan. Si kastaba ha noqotee waxaad diirada saartaan meel ay dimuqraadiyada doorashada u muuqato inay hore u socoto oo ah Somaliland. In kasta oo aanay aqoonsi rasmi ahi haysan, haddana Somaliland waa dal gaar isu taagay oo gaar isu maamula. ” ayuu yidhi xildhibaan Smith, sida lagu baahiyey SomalilandChronicle.

Xildhibaan Smith oo si xeel dheer uga hadlay doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo deegaanka Somaliland, xisbiyada tartamaya, iyo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Somaliland wuxuu yidhi “Waxa u qorshaysan doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka 31-ka May ee sanadkan kadib diwaan galinta codbixiyaasha oo la sameeyey intii udhaxaysa dhamaadka 2020 iyo Janaayo 2021.

Tallaabo aad loo ammaanay dhowaan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi qaaday, ayuu ku amray Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda inay bixiso khidmadaha diiwaangelinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee murashaxiinta haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay si loo hubiyo kaqeyb qaadashadooda doorashada.

Si ka duwan Taiwan, EU, UK, Denmark Sweden Norway, Xildhibaan Smith wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay xaqiiqda ah in Mareykanku uusan wax dhaqaale ah ku biirin doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo deegaanka Somaliland, isla markaana sheegay inuu rajeynayo in machadka caalamiga ah ee Jamhuuriga uu soo diri karo kormeerayaasha doorashooyinka Somaliland. Gunaanadkii, wuxuu ka codsaday Somaliland inay sii wado socodkeeda ku wajahan “Dimuqraadiyad buuxda”.