Dawlada Kenya Oo Qorshaynaysa Inay Danjire U Soo Magacawdo Somaliland Iyo Masuulka Lala Doonayo Oo La Shaaciyey

Nairobi(Hayaannews):-Dawlada Kenya ayaa isku badal baaxad leh ku samaynaysa safiirada u qaabilsan wadamada Dibada.

Sida uu baahiyey Horndiplomat.com, dawlada Kenya ayaa meesha ka saaraysa qaar ka mid ah safiirada u qaabilsan wadamada caalamka, halka xubno cusub oo ka hawl galayey dublamaasiyada Kenyana la dalacsiin doono.

Wasiirka arimaha dibada ee Kenya Monica Juma ayaa qorshaynaysa in isbadal lagu sameeyo safiirada jooga wadamada caalamka, Safiirada shaqada laga badalayo waxa ka mid ah safiirkii Maraykanka Robinson Njeru Githae oo loo badalayo Moscow.

Sidoo kale wasaarada arimaha dibada ee Kenya ayaa soo jeedisay in shaqo joojin lagu sameeyo safiirkan loo badalayo Ruushka kaas oo ku eedaysan inuu si qaldan u maamulayey dhaqaale loogu tala galay ciyaaryahanadii Kenya ee ka qayb galay Olombikada ee sanadkii 2016 lagu qabtay dalka Brazil.

Safiirkii Kenya ee Koonfur Kuuriya Stephen Karau ayaa isagana loo badalay dalka Maraykanka, halka booskiisiina loo magacaabay Mwende Mwinzi.

Dhinaca kale dawlada Kenya ayaa qorshaynaysa in markii ugu horaysaysa inay wakiil u soo magacawda xafiis ay ku yeelato somaliland, taas oo la saadaalinayo in ugu dembayn ay Nairobi aqoonsato madax banaanida somaliland.

Dawlada Kenya ayaa xafiiskeeda Hargeysa u soo magacaabaysa Githiora Philip Mundia kaas oo la doonayo inuu haatan aas aaso xidhiidh dublamaasiyadeed oo Nairobi la wadaagto Hargeysa.