Dawlada Somaliland Oo Hakisay Shaqooyinkii Hay’adda UN-tu Ka Hayaan Deegaanadeeda
October 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews: Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay
hakisay dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada
Midoobay ka wadeen degaanadeeda.
Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland, ayaa soo
saartay bayaan ay ku shaacisay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay UN-ka
iyo Somaliland.
Maalintii shalay oo ku beegnayd 25-ka bisha Octobar ayuu go’aankaan
si rasmi ah uga dhaqan galay Somaliland, sida bayaanka lagu sheegay. Somaliland
ma sheegin sababta ay go’aankaan u qaadatay.
Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay
heshiis cusub ah la saxiixatay dowladda federalka Soomaaliya, heshiiskaas oo
baddali doona heshiiskii hore oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.
Heshiiska wuxuu tilmaamayaa sida Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan
si loo taageero Hiigsiga 2030.
Waxaa kaloo heshiiska qeyb ka ah, balse aan saxaafada laga sheegin, in dowlada federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.