Dawlada Somaliland Oo Shaacisay Tirada Dad Ay u Qabqabatay Dilkii Labada Sarkaal, Una Jawaabtay Cirro

Hargeysa (Hayaannews) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la soo qabtay Saddex ka mid ah Dablay hubaysan oo Toddobaadkii hore Gobolka Sanaag ku dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Ku-xigeenkii Taliyaha Booliska ee degmadaasi. Ciidammada Amniga oo Maalmihii u dambeeyay oo dhan waday hawl-gallo ay ku baadi doonayeen Gacan ku dhiigleyaasha dilay labada Sarkaal, ayaa gacan ku dhigay Shalay saddex ka mid ah Gacan ku dhiigleyaasha iyo Toban Qof oo taakulanayey iyo weliba Shan Gaadhi oo ay falkaa u adeegsadeen.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo maanta (shalay) Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Wasiir Kaahin oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta waxa Gacanta lagu hayaa Saddex ka mid ah Raggii fuliyey Hawl-galkaa (Labada Sarkaal lagu dilay) iyo 10 Nin oo loo haysto abaabulayaal, Gacan-siin, Taakulayn iyo Rag baadhis ay ku socoto oo Tuhumo ay soo galeen, tobankaa Nina waalla hayaa.”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay gaadiidkii hawlgalka lagu fuliyey oo tiradoodu dhan tahay 4 gaadhi. “Waxa kale oo la hayaa Gaadiidkii ay Nimankaasi ku hawl-galeen, Afar Gaadhi oo ka mid ah Gaadiidkii lagu hawl-galay iyo Hal gaadhi oo markii hawl-galku dhacay taakulaynta samaynayey, intaas Gacanta ayaa lagu hayaa oo baadhitaankii ayaa lagu wadaa, sharciga ayaana la hor-geynayaa..”ayuu yidhi.

Geesta kale, Wasiir Kaahin ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan-cirro oo la xidhiidhay dilka loo gaystay saraakiishan, waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi; “Cirro wuxuu ujeeday, anigana wuu ii jeeday iyo xukuumadda, isagoo waxyaabo kale iga sheegi karaayay, sababtuu ujeedayna waxay ahayd, nimanka hawsha fuliyey inaanu annagu isir wadaagno, waxa kaluu u jeeday, beesha ay kasoo jeedaan [saraakiishii la dilay] ee gobolka booramana inuu colaad kala dhigo uu isagu isleeyayay mucaarid ciddi ha noqoto aad wax ka faa’iidaysatide wuu u jeeday. Arrintu se waxay ahayd, arrin nasiib-darro ah, qaranka ku dhacday, ciddi aanay talo ka wadaagin raggii hawshaa fulinayay inay iyagu arrinkaa fuliyeen, nabadgalyo-darro qarankan ku dhacday bayna ahayd. Cirro waxay ahayd inuu mucaaridna yahay, mucaaridnimona wax u sheego, laakiin dhaawac hadduu qaranka ka dhaco inuu qaranka la safto ayay ahayd, waxaana iska cad Cirro inaanu maanta qaranka la safan ee uu qaranka ka safan yahay, wuxu ka helaabuu leeyahay.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo shalay Saxaafadda la hadlay.