Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qarixii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Hayaannews): Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxan is-miidaaminta ah ee qof naftii halige ah uu caawa dadka tiro baddan ku laayay.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, waxaanu warku intaasi ku daray ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay qaraxaas halka sideed kale-na ay ku dhaawacmeen, waxaanay ku eedeysay kooxda Al-shabaab.

Wasaaraddu tafaasiil ka ma bixin sida uu falkan u dhacay iyo goobta laga geystay.