Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya Oo Ka Shiray Horumarinta Duulimaadka

Muqdisho(Hayaannews):- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wefti ay hoggaaminayso ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.

Wasiir Fardowsa iyo weftiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan yihiin Itoobiya, waxa ay wada-hadallo la xidhiidha horumarinta Duulimaadyada,iskaashiga iyo Khibrad wadaaga la qaadanaya mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka dalka Itoobiya.

“Itoobiya waa mid ka mid ah waddamada gobolka ee aan la leenahay iskaashiga horumarinta dhinacyada Duulimaadka iyo khibrad wadaaga, waxaana hadda u tagnay Addis Ababa si aan u dhammeystirno is-afgaradka dhinacyadaa la xiriira.” Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sidaa sheegtay.