Dawladda Hindiya oo Shaacisay Inay Somaliland ka Taageerayso Qalabeynta Cisbitaalada
October 30, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews)-Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya
,Asish Sinha ayaa daboolka ka qaaday in dalkiisu uu Jamhuuriyadda
Somaliland kala shaqeyn doono ardayda wax ka barata dhinaca caafimaadka oo ay u
sameyn doonaan sidii ay u heli lahaayeen xirfadaha lagama maarmaanka ah.
waxa kaloo Wakiilku caddeeyey inay dhinaca qalabeynta ka taageeri doonaan
cisbitaalada Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay
warbixin Wargeyska East African Business Week, oo daabacay kulan ay Nairobi ku
yeesheen Ku-xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharmaarke
Geelle iyo Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya Asish Sinha.
Mr. Asish Sinha wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan
ardayda reer Somaliland ee danaynaya inay caafimaadka ka soo bartaan
Jaamacadaha Hindiya.
Labada diblomaasi waxay wadajir u falanqeeyeen sida Somaliland
iyo Hindiya u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo mid ku saabsan
waxbarashada aasaasiga ah.
Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle ayaa
sheegay in Hindiya wax badan kaga horeyso Somaliland horumarka
noocyadiisa kala duwan. “Hindiya aad ayey dalkayaga uga horreysaa dhinac
kasta oo laga eego horumarka. Waxaannu doonaynaa inaanu wax ka baranno oo
qalabeyno dadkayaga,”ayuu yidhi danjire Sharmaarke Geelle.
Waxa kaloo uu xusay in aanay doonaynin in shacabka Somaliland ay
hawlo caafimaad uun u tagaan Hindiya, waxase uu tilmaamay in ay jiraan
dhallinyaro caafimaadka ku soo baratay Hindya oo ay tahay inay ku soo laabtaan
dalkooda oo ay ugu shaqeeyaan aqoontooda.
Wargeyska East African Business Week wuxuu iftiimiyey in aanay Beesha caalamku wali aqoonsan Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee ay baasaboorka Somaliland aqbaleen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Biljam, Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Imaaraadka carabta.