Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Isbedel Ku Samaynayso Siyaasaddeeda Soomaaliya

Addis-Ababa (Hayaannews)-Dowladda Federaalka ah ee Dalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay isbeddel weyn ku sameyneyso siyaasaddeeda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya Nebiat Getachew,ayaa sheegay in siyaasaddii arrimaha dibadda ee ay ku dhaqmeysay Itoobiya 30-kii Sano ee la soo dhaafay ay dhacday, islamarkaana aan  la jaanqaadi karin Caalamka.

Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee cusub ayaa waxaa ka mid ah ka fogaanshaha khilaafaadka dalalka deriska, soo jiidashada Maalgashiga, isku xirka amniga Gobolka, isdhexgalka Bulshada Geeska Afrika, dhiirrogelinta isdhaafsiga Aqoonta iyo wixii la mid ah.

“Maalmaha soo aaddan ayaa lagu dhawaaqayaa isbeddelka siyaasadda xidhiidhka dibadda Itoobiya, maaddaama 24 sanno ka hor dadka Itoobiya ahaayeen 60-Milyan haddana kor u dhaafeen 100 Milyan”ayuu yidhi Afhayeen Nebiat Getachew.

Waxaa kale oo uu Nebiat Getachew, sheegay in Dowlad cusub oo koofurta Suudaan ah ku soo biirtay deriska inta ay shaqeyneysay siyaasaddooda hore ee arrimaha dibadda ee dhacday, in Itoobiya iyo Eritrea ausan col iyo nabad midna ahayn 24-kii sano ee la soo dhaafay, siyaasaddii Itoobiya ee Soomaaliya iyo kuwo kale ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Itoobiya ayaa sheegtay in laga faa’ideysanayo kheyraadka buuxa ee Gobolka Geeska Afrika oo dad iyo maalba leh islamarkaana hadda aan laga faa’ideysan.

Hayaannews, Office

Ethiopia, Addis-ababa