Dawladda Jabuuti Oo Wefti U Dirtay Xuduudka Soomaaliya Iyo Kenya

Jabuuti (Hayaannews) – Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay Wefti u dirayso Xuduudka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ka dib markii urur-goboleedka IGAD uu Jabuuti u xil-saaray inay xal u raadiso khilaafka ka dhex jira labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo u warramey saxaafadda ayaa si rasmi ah u shaaciyey in wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Djibouti oo iskugu jirra diplomaasiyiin iyo saraakiil sare oo milatari ay Maanta ahaan u amba bixi doonaan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Belad-xaawo iyo Mandheera, halkaasi oo ay Maalmahan dambe Xiisad ka oogan tahay.

Dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhex taagan Xiisad diblumaaliyadeed, taasi oo sababtay in Dawladda Soomaaliya ay u yeedhato Safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay Safiirkii Kenya u fadhiyey Muqdisho ku amartay inuu dalkiisa ku laabto.

Xiisaddan oo ku saabsan Cabasho Dawladda Soomaaliya ka qabto faro-gelin ay sheegtay in Kenya ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxa dhawaan Dalka Jabuuti kaga shiray Urur-gobolleedka IGAD, kaasi oo markii dambe arrintaa xal u raadinteeda u wakiishay Dawladda Jabuuti, taasina waa sababta Jabuuti Wefti  dirayso Xuduudka labada dal, si ay bilowdo dedaalkeeda dhexdhexaadinta ah.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland