Dawladda Kenya Oo Xidhiidhka iblomaasiyadeed U Jartay Dawladda Soomaaliya

Nayrobi(Hayaannews)-Dawladda Kenya ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay dawladda Soomaaliya, waxaanay u yeedhatay safiirka Kenya u jooga Muqdisho Danjire Lt. Gen. Lucas Tumbo, iyadoo sidoo kale caydhisay safiirka Soomaaliya u jooga Nayrobi Maxamuud Nuur Tarsan.

Warsaxaafadeed 15 qodob ka kooban oo ay dawladda Kenya xalay fiidkii soo saartay ayay ku eedaysay dawladda Soomaaliya inay ku xaraashtay magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay, waxaanay intaas ku dartay Kenya inay dawladda Soomaaliya si taxadar la’aan ah isaga indho tirtay xeerarka caalamku aqoonsanyahay ee muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed. Waxay Kenya sheegtay in dawladda Soomaaliya si laga xumaado u muujisay inaanay weli gaadhin qaan gaadh siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ah heerka caalamku aqoonsanyahay.

Kenya waxay sheegtay inay dhawaan waraaq farriin ah oo ku saabsan arrintan ay gaadhsiisay safiirka Soomaaliya u jooga Kenya oo xaqiijiyay inuu warqada Kenya gaadhsiiyay madaxda u saraysa Soomaaliya. Sidoo kalena waxay Kenya sheegtay inay isla warqadaas gaadhsiisay safiirkooda u jooga Muqdisho oo isna xaqiijiyay inuu madaxtooyada Soomaaliya gaadhsiiyay tabashadaas dawladda Kenya. Laakiin Kenya ayaa waxay sheegtay inay aragtay in la iska dhego mariyay waraaqahooda taasina ay keentay inay qaado talaabooyinkan ay xidhiidhka diblomaasiyadeed ugu jarayso Soomaaliya. Warqadahaas ayay Kenya sheegtay inay ahaayeen kuwo ay  ku wargelisay dawladda Soomaaliya in badda ay qandaraaska ku baahisay ay qayb ka mid ahi tahay gudaha xuduudka Kenya.

Kenya waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in dawladda Soomaaliya dhulka ay qandaraasyada ku bixinayso ay ku dartay bad ku jirta xuduudka dawladda Kenya, Oo ay shirka London gaysay khariidad khaldan, iyadoo ku xad gudubtay ayay tidhi xuduudda Kenya,

Badda ay Kenya ka hadlayso ayaa sida muuqata ah xuduudkii dhinaca badda ee ay hore ugu muransanaayeen Soomaaliya iyo Kenya, dacwaddiisuna ku jirtay maxkamadda adduunka.

Dawladda Kenya oo qoraalkeeda ku sheegtay abaal ay ku dooday in ay dawladda iyo dadka Soomaaliya ku leedahay oo uu ka mid yahay in ay muddo 30 sano ku dhow hayso qaxoonti soomaali ah, ayaa qoraalkeeda ku soo gegabaysay farriin ay ku sheegayso in ay diyaar u tahay qiime kasta oo ay ku kacaysaba in ay difaacdo dhulkeeda iyo midnimada dalkeeda Kenya.

Kenya waxa ay sheegtay in dhammaan dhinacyada sida tooska ah ama sida dadban ugu lug lahaa hawshan haddii ay u dhasheen Kenya iyo haddii ay dalal kale yihiinba ay u arkayso in ay yihiin cadow.

Wax jawaab ah lagama hayo dawladda Soomaaliya, waxaanay u muuqataa inay talaabada Kenya ku noqotay filan waa.