Dembiyada Somaliland ka Dhacay Sannadka 2020-ka oo Boolisku Soo Bandhigay
November 4, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):- Ciidanka Booliska
Somaliland, ayaa shalay oo ay ku beegnayd 27-guurada ka soo wareetay markii la
aasaasay 3-dii November 1993-kii, waxay soo bandhigeen tirada dembiyada ka
dhacay dalka sannadkan aynu ku jirno, kuwaas oo isugu jira, dilal, dhaawacyo,
Kufsi, Ubadka la tuuray, Khasaaraha ka dhashay Shilal Gaadiidka, Korontada iyo
Muqadaraadka la qabtay.
Ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka
Booliska Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, ayaa ugu
horrayn shacabka la wadaagay dembiyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay
sannadkii ugu dambeeyey iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen, isaga oo
hoosta ka xarriiqay inay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii
ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadaas dalka ka dhacay
oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan.