Dhallinyaro Safar Baaskeel Ah kaga Yimi Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Hargaysa Lagu Casuumay

Hargaysa(Hayaannews)::- Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Boos Mire Maxamed oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka ayaa ka qayb galay hadhimo sharafeed guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland u sameeyay Dhalinyaro safar Baaskeel ah kaga yimi Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Hargeysa soo gaadhay.

Naasir Cumar Gaas iyo Sakeriye C/qaadir Yuusuf oo safar ay u adeegsadeen Baaskeelad kaga soo dhaqaaqay Magaaladda Jigjiga kuna soo gaadhay  Hargeysa  ayaa munaasibada loo sameeyay ugu horayn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha RugtaGanacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin iyo Guddoomiyihii hore ee Rugta Ganacsiga Maxamed Shugri Jaamac, iyaga oo sheegay in dhalinyaradani yihiin reer Somaliland kana yimaadeen dalka Ingiriiska si ay indha caalamka ugu soo jeediyaan nabadgelyada ka jirta somaliland waxaanay safarkan isaga gudbayaan sadex dal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in dhalinayaradani yihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland ayna ku dhiiri gelinayaan dedaal intaasi ka badan si ay wadamo intan ka badan Baaskeelka ugu dhexmaraan.

Boos Mire Maxamed wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland waxaa uu sheegay in baaskeelku ka midyahay Ciyaaraha fudud, arinta ay sameeyeen labadan dhalinyarada ahina ay tahay shay mudan ku dayasho isaga oo Wasaaradda Dhaliyada iyo Ciyaaraha ee Goboladana kula dardaarmay in ay soo dhaweeyaan.