“Doorshooyinka Somaliland Waa Inay U Qabsoomaan Si Qurux Baddan….Xisbiyada UCID, WADDANI Iyo KULMIYE Waxaan Leeyahay….” Marwo Suhuur Hassan.

Canada(Hayaannews):Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mida ganacsatada reer Somaliland ayaa ugu baaqday shacabka reer Somaliland inay doortaan Baarlamaan iyo Golle Deegaan wax u qabta, isla markaana fariin u dirtay Xisbiyada Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

Suhuur waxay sidaasi ku sheegtay mar ay caawa Khadka Telefoonka ugu waramaysay Shabakada Wararka ee Hayaannews, iyada oo ku sugan dalka Canada.

“Waxa dhawaan la filayaa inay dalka ka qabsoonto doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 31 May 2021. Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland inay doortaan golleyaal wax u qabtaa oo baahiyahooda daboola, balse aanay wax ku dooran qabyaalad. ”Ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Waxa la doonayaa inay doorashadaasi si nabadgelyo ah ku qabsoonto, waayo indhihii caalamku waxay soo eegayaan Somaliland iyo qaabka ay u dhacaan doorashooyinku. Markaa doorashadu waa inay si qurux baddan oo xarago leh u dhacdaa.”

Marwo Suhuur Xasan Abiib waxay Fariin u dirtay Xisbiyada Somaliland ee ku loolamaya doorashada, waxaanay tidhi “Waxaan leeyahay Xisbiyada Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE waa inay si qurux baddan oo xarago leh u galaan doorashada oo ay ugu quus gooyaan cadowga Somaliland, taasina sumcadii iyo aqoonsi raadintii Somaliland ayey kor u qaadaysa…”

Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mida Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Canada ayaa ah haweenay firfircoon oo ka shaqeysa hadh iyo habeen horumarka Somaliland.

Hayaannews,Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com