Dowladda Somaliland Shaacisay in Ardayda ku Dhacda Maadada Soomaaligu aanay ka Gudbi Doonin Imtixaanka Shahaadiga ah

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Jaamac Aadan, ayaa shaaciyey in ardayda ku dhacda maadada Afsoomaaligu aanay gudbi doonin imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aad ee dusgiyada dhexe iyo fasallada 12-aad (4-aad) ee dugsiyada sare loo fadhiisan doono sannad-dugsiyeedkan soo socda ee 2019/2020, haddii Ilaahay yidhaahdo.
Wasiir Cismaan Jaamac Aadan oo hadal ka jeediyey xaflad lagu sii sagootiyey arday ka tirsan Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa oo deeqo waxbarasho helay shalay, waxa uu sheegay in ardayda Somaliland ay aad ugu hooseeyaan maadada Soomaaliga, sidaa darteedna ay wareegto ku soo saari doonaan in ardayda ku dhacda maadada Soomaaligu aanay ka gudbi doonin imtixaanka shahaadiga ah, isagoo ardayda kula dardaarmay inay xoogga saaraan barashada iyo ku dedaalista luqadda Soomaaliga.

“Waxa aan idiin sheegi lahaa oo kale, marka laga hadlayo waxbarashada waxa ugu liita oo aydaan ku wanaagsannayn waa Afsoomaaliga, sida akhriska Afsoomaaliga, qoristiisa, waxaanna idinka oo kale la idinka doonayaa in ay idinka soo baxaan qaar wax qora oo buugaag qora. Waxa aan ogaataan oo aan imminka idin ogaysiinayaa in sannadkan soo socda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dusgiyada Dhexe iyo fasalka 12-aad ee dugsiyada sare labadaasba qofkii aan gudbin maadada Afsoomaaliga ee aan baasin (pass) wuu dhacayaa. Soomaaligu waa afkaaga oo waa dhaqankaaga, waana waxa aad tahay, markaa haddii aad Afsoomaaliga gudbi weydo maad shaqaysan ee ogow oo hadhaw cid ha canaananin, wareegtadaasna waa la soo saarayaa, wayna soconaysaa, markaa ku dedaala in aad afkiina xoojisaan oo aad akhridaas sheekooyinka ku qoran buugaagta, in aad qortaan oo aad macallimiinta dhegaysataan marka ay idiin dhigayaan,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Saynisku.

Waxa kaloo uu Wasiirku sheegay in deeqaha waxbarasho ee loo xidhay dugsiyada dowliga ah ay tahay siyaasad ay qaadatay dowladda Somaliland, taasoo uu xusay in ujeedadeedu tahay sidii meesha looga saari lahaa inay dalka ka abuuraan dabaqado waxbarasho oo kala sareeya, waxaannu sheegay in arrintaasi ahayd talo si gaar ah uga soo baxday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Deeqdan waxbarashada ee la siiyey dugsiyada dowladda sababta loo siiyey waxa weeyaan in aanay ummaddu kala hadhin oo badhna aanay maalin walba tegin Turkiga, Suudaan, Kuwait, Qatar iyo meelahaas, qaarna aanay halkan ku hadhin, markaa sidaas ayaa horta loo sameeyey, waana siyaasad dowladeed oo waa siyaasad Madaxweyne, waxaanna figradan la yimid Madaxweynaha,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kaloo uu sheegay inay soo baxday deeq kale oo dugsiyada farsamada gacanta ah oo loogu talogalay 70 arday, waxaannu yidhi; “Waxa ka daba yimid 70 kale oo farsamada gacanta ah, kuwaasna waxa dhammaantoodba la siin doonaa Dugsiyada farsamada gacanta ee dowliga ah.”

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadu waxa uu maamulaha dugsiga Faarax Oomaar Md.Guuleed Yuusuf Iidaan ku sifeeyey halyey gutay waajibaadkii loo igmaday, kaas oo muujiyey karti iyo waayo-aragnimo maamul, wxaannu maamulayaasha kale ee dugsiyada dalka ugu baaqay in ay ku daydaan maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar.

“Horta sideedaba maamulka, qabanqaabada iyo wax hagaajinta waa loo kala dhashaa, sideedabana waxbarashadu waxay ku fiican tahay oo ay kolba ku hagaagsan tahay waxay qaadaa waddada hoggaamiyaha dugsiga ama waxbarashadu uu u horseedo ardayda, taas ayaana kolba ka jawaabta waxbarashadaasi faa’iidadeeda iyo wax-tarkeedaas. Waxa aan qirayaa in muddada labada bilood ah ee uu halkan joogay maamule Guuleed (maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar) inuu wax badan ka qabtay shaqada, waana nin riyo weyn leh oo hiigsi badan leh, waana nin doonaya in ardaydiisu ay meel fiican ka soo baxdo oo ay ka dhex muuqato waddanka,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.
Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee Caasimadda Hargeysa Mr. Guuleed Yuusuf Iidaan oo hadal ka jeediyey xafladda segootinka ah ee loo qabtay arday deeqo waxbarasho ka helay Jaamacadaha Somaliland iyo deeqda dalka Itoobiya ugu deeqay Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dheeraaday wax-qabadkii u hirgalay muddadii koobnayd ee uu dugsiga joogay.
Dhanka kale, Maamule Guuleed waxa uu mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey dhammaan muwaadiniin iyo jaamacado uu sheegay in ay caawimo laxaadle la garab istaageen tan iyo maalintii xilka loo dhiibay.
Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md.Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ardeyda deeqaha ku guuleysatay, Ilaahay ugu baryey in uu hadafkooda waxbarasho ku soo guuleeyo.


Dhanka kale, Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan, waxa uu sheegay in aanay Wasaaradda Waxbarashadu colaad u qabin dugsiyada gaarka loo leeyahay, laakiin ujeedada laga leeyahay hirgelinta xeer-nidaamiyaha dugsiyada gaarka ahi yahay sidii loo tayeyn lahaa guud ahaan waxbarashada dalka Somaliland. Sidaa darteed waxa uu mulkiilayaasha dugsiyada gaarka ah u soo jeediyey in aanay sas ka qaadin xeer-nidaamiyaha dugsiyada gaarka ah loo dejiyey.