Dowladda Soomaaliya Oo Soo Rogtay Amarro La Xidhiidha COVID-19

Muqdisho(Hayaannews)Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd soo rogtay xayiraado cusub oo ay sheegtay in lagula dagaalamayo faafitaanka cudurka Covid-19. Go’aamadan waxaa akhriyey Wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Cusmana Abuukar Dubbe.

Go’aamadan waxaa ka mid ah in dhammaan goobaha waxbarashsda oo ay ku jiraan kuw dawliaga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay la xirir doona muddo laba usbuuc oo ka bilaabata beri oo 3-da Maarso ah, waxayna xirnaan doonaan ilaa Maarso 27.

Waxaa sidoo kale uu wasiirku sheegay in qof kasta ay waajib ku tahay inuu qaato af xirka marka uu joogo goobaha la iskugu yimaado sida masaajiddada, goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha kale oo la iskugu yimaado.

Xafiisyada dawladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo laba usbuuc ah oo ka billaabanaysa berrito, shaqaaluhuna guryahooda ayey kasoo shaqayn doonaan marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada lagama maarmaanka ah.

Isu socodka caasimadda iyo gobollada waa la dhimi doonaa muddo laba uscbuuc ah oo ka bilaabata berrito.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa khaaska ah si caadi ah ayey usii socon doonaan, dadka saaranna waa waajib inay xirtaan af saarka.

Waxaa mudod 30 malamood ah la joojiyey xafladaha sida aroosyada, kuwa la iskugu yimaado, waxaa la mamnuucay goobaha caweysyada.

Kulamada dadka wixii ka badan 10 qofood waa la joojyey muddo bil ah. Hase yeeshee isu imaatinnimada khaaska ee oggolaanshaha haysta waxaa ku xiran shuruudaha ah in dadka imanaya isku jirsadaan laba mitir, iyo inay dadku soo qaataan af-xir.

Gobaha ciyaaraha iyo jirdhiska iyagana waa la hakinayaan 2 usbuuc. Aaska dadka tagayaa waa inaysan ka badan 10 qof iyadoo la qaadanayo af xirka.
Dadka safraya waa inay iska soo hubiyana goobaha baaitanaka xanuunka 72 saac ka hor intaysan safrin.

Qof aan sidan shahaadada baaritanaka masoo gelayo dalka, shahaadadaasi oo muujinaysa in la baaray 72 saac gudahood marka uu dalka imanayo
Dhammaan dadka ka imanaya dibedda dalka waa inay si iskood ah isku karanteellaan muddo laba toddobaad ah, kadibna ay maraan mashiinka barista xanuunka PCR.

Ciidamada kala beddelelka AMISOM iyo kuwa ilaaliya Qaramada Midoobay waa inay raacaan habraaca kala beddelka ee Qaramada Midoobay marka loo eego baaritaanka cdurkan.

Waxaa kaloo dawladdu ka digtay in qofka dibedda ka yimaada la baarayo, haddii ay caddaato inuu dalka soo galay isagoo qabanaya uu qofkaasi bixinayo kharashkii baaritaanka la marsiiyey.