Dr. Edna oo Madaxweynaha Ku Bogaadisay Hirgelinta Mashruuca Shaqo Qaran

Hargaysa (Hayaannews):- Ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa soo dhawasay kuna ammaantay Madaxweynaha Somaliland hirgelinta mashruuca shaqo qaran.

Edna Aadan Ismaaciil oo shalay hadal ka jeedisay munaasibad loo qabtay xidhitaanka wajiga koowaad ee mashruuca shaqo qaran ayaa sheegtay in ay muujinayso in dhalinyarada la dhiiri galiyo Somaliland na isku filan tahay, waxaanay intaa ku dartay in dhalinyarada ka soo baxday shaqo qaran ay wax tar u yeelan doonaan qaranka.

Dr Edna oo arimahaa ka hadlaysayna waxay yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in aan goobjoog ka ahaado Munaasibadan dhaxal galka u noqonaysa horumarka dalka Somaliland ee muujinaysa in Somaliland isku filantahay, isla markaana Somaliland diyaar u tahay in dalkeeda dhisato dalkeeda ilaashato dhalinyaradeeda jiilka cusub ee soo kacaya ay u hurto hiil iyo hooba wixii gacanta ugu jiraba.”

Dr Edna oo la hadlaysay dhallinyarada ka baxday mashruuca shaqo qaran,ayaa ku dheeraatay sida dhallinyarada wax loo baray isla markaana ku dar daartay in looga baahan yahay waxyaabihii ay barteen iyo tababarkii ay qaateen in uu ka muqdo oo ay dalka ku anfacaan,waxaanay tidhi “Waxaad barateen dhalinyarooy WanaagGa iyo asluubta uu leeyahay tababarku waad ka duwan tihiin maanta saddex bilood horteed sidii aad ahaydeen,waxa aad tahay Maanta qof tababaran waxa aanu rabnaa tababarka aad qaadatay in ay ka muuqato wax tarka aad u yeelan doonto qaranka Somaliland hormood ayaad tihiin waxa aad u horseedaysaan kummanaan kale oo aan helin fursadaa aad hesheen,”.

Edna Aadan waxay ku bogaadisay madaxweynaha qaranka hir gelinta tallaabada shaqo qaran, waxaanay caddaysay in uu ku dhiiraday hawl adag oo qaranka wax wayn ugu fadhida.

Waxaanay tidhi iyada oo arrimahaa ka hadlaysa “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gartay baahida loo in dhalinyarada la dhiirigaliyo la tababaro fursad ay isku muujiyaanna la siiyo, cadaw badan ayaad leedihiin waan isku duubnaanaynaa waddankeena waynu difaacanaynaa caqli ayaynu ku difaacaynaa dal jacayl ayaynu ku difaacaynaa.”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland