Hargeysa(Hayaannews)-Siyaasiga
caanka ah Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sabaabta mushaharaadka loogu kordhin
waayay shaqaalaha iyo ciidamada dawlada isaga dabadii ku macneeyay in dakhliga
dawlada ee sare u sii kacaaya ay masuuliyiintu u isticmaalayaan dano iyaga u
gaar ah.
Waxa uu ku dhaliilay
masuuliyiintii xilka uga danbeeyay in aanay lahayn dareen lagu daryeelayo dadka
isla markaasna wax lagaga qabanaayo dhibaatooyinka dalka ka taagan. Eng,
Maxamed Xaashi ayaa sidan u sheegay barnaamijka Maamul Wanaaga ee tilifishanka
HCTV, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi” Waxii isoo galay
wakhtigaygii iyo kuwii iga danbeeyay waxan ay ku faanaan ee ay leeyihiin intaas
ayaan keenay in lays barbar dhigo intee dalka iyo dadka gasha intee daaro lagu
dhistaaa, dhibaatadu waxay noqotay inay madaxdu wax gaar ah qabsadaan ileen
lacag la’lama iman markaan dalka soo galnee, waxii wax loogu qaban lahaa umadda
inyar ayay ku koobnaatay oo iyagu u isticmaalay dano gaar ah, lacagta ha
korodhee maxay u qabatay dadweynaha maxaa laga faa’iday, maxaa baahidii lagaga
baxay in dib loogu noqdo oo la eego haayad waliba waxay qaadato oo la eego
waxay kordhisay iyo sida wax loo qaato, anigu waxaan xooga saarayay daynta oo
aan bixiyo, dadkoo aan wax u kordhiyo waayo waxa wax qabanayaa waa dadka
dadkaas hadaan la daryeelina arintu ma soconayso, fikradaydu waxay ahayd in
daacadnimo lagu dhiso maamulka.”
Maxamed Xaashi wuxuu intaas raaciyay “ waxa is waydiin ah waxan oo daar ah oo la dhisay qaarbaaba la dumiyay oo qaar ka sii dhaadheer laga dhisaye miyaa loo baahnaa, waxaynu u baahnayn daryeelka dadkeena iyo sidaynu wax ugu samayn lahayn, waxaan rabay marka laga tago boqolkaas aan kordhiyay in laysku eego waxa shaqaaluhu qaadanayo iyo nolasha qiimaheeda oo loo qiyaaso waxa ay ku noolaan karaan.” Waxa uu sharaxaad ka sii bixiyay dhibaatadu halka ay ka taagan tahay“ waxaad ka soo qaadaa warshadii sibidhka, aniga oo wasaarada ganacsiga ah ayaa la yidhi warshadii sibidhka ayaa la samaynayaa gudidii ayaan markaas ka mid ahaa, warshada waxaan anigu soo jeediyay in aynu inagu saamiyo ka iibino dadkeena oo si siman looga iibiyo dabadeedna waxa la yidhi hebel iyo hebel ayaa leh oo lagu naas nuujinayaa, siday ku baaqatay sidaas ayay ahayd, khasaaraha ay inaga gaadhay warshaduna sidaas ayuu ahaa,imikadan waxa la wadaa Cumaani iyo mid Kuwayti ah ayaa ka qaybgalaaya waa keegaagii oo aad leedahay ciday ila cun, inagu waaan bixin karnaa lacagta lagu bixin karo oo 40 milyan lagu qiyaasayo.”