Ethiopia Oo Diiday Soo jeedin Cusub Oo Ku Saabsan Gobolka Tigray

Addis-ababa(Hayaannews): Dowladda Ethiopia ayaa diidey baaqyada loo jeedinayo ee ah in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dagaalka lagu hoobtay ee gobolka Tigray.

Go’aaankan ayaa imanaya iyadoo ay socdaan baaqyo caalami ah oo ku saabsan in si hufan loo baaro dagaalka bisha socday ee u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda gobolka Tigray, kaasi oo loo maleynayo in ay ku dhinteen kumanaan qof oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Ugu yaraan hal xasuuq oo baaxad leh ayaa la diiwaangeliyey, kuwa kalena waa laga cabsi qabaa in ay jiraan.

Redwan Hussein oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowlada ayaa saxaafadda u sheegay in Ethiopia ay dadka kale ku casuumi doonto in ay caawimaad kaliya u fidiyaan waa haddii buu ay dareento “in ay ku fashilantay baaDHitaanka”.

“In loo qaato in dowladdu aysan fulin karin baaritaannada ceynkan ah waxa ay tahay hoos- u dhigidda xukuumadda,” ayuu yidhi.

Walaaca ayaa sii kordhayaa xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi uu inta badan ka go’an yahay dunida, iyadoo dadka 6-da milyan gaaraya ee gobolkaasi ay si aad ah ugu baahan yihiin cunto iyo daawooyin.

Dowladda Ethiopia ayaa diiday waxa ay ugu yeertay “faragelin” shisheeye, laga billaabo dadaalladii la xiriiray wadaxaajoodka ilaa in deegaanka la gaarsiiyo gargaar, iyadoo ka duuleysa taariikhdeeda oo ah dal Afrikaan ah oo aan waligiis la gumeysan, taasi oo siineysa sharaf qaran oo qoto dheer leh.