Faransiiska Oo Itoobiya Ka Caawinaya Tababarka Ciidamada Badda Iyo Walaaca Badda Soomaalida

Adis Ababa (Hayaannews) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo ujeedada ay Dowladda Itoobiya ka leedahay ciidamada Badda ay sameysaneynso iyadoo aan lahayn wax bad ah kadib is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Faransiiska.

Dowladda Itoobiya ayaa wadday bilihii ugu dambeeyey dadaal ay ku dooneyso inay ku tababarto ciidamado badda ah oo  aan si rasmi ah loo ogeyn badda ay ku shaqeyn doonaan saldhigna ay ka dhigan doonaan maadaama aanay Itoobiya lahayn wax bad ah.

Iyadoo ay cabsidaasi taagnayd ayaa waxaa safar olole ah Geeska Africa ku yimid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo safarkiisa markii hore kasoo bilaabay Jabuuti ka hor inta aanu booqasho ku tagin dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxeexday iskaashi milatari, heshiis uu ka qayb ka yahay in dalka aan lahayn badda laga caawiyo dhismaha ciidamo badeed, xilli Paris ay raadineso in ay saameyn dhaqaale ay ku yeelato dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika maadama Geeska Africa ay lug weyn ku yeelatay Dowladda Shiinaha oo rajanaysa inay dhaqaale fiican ka sameyso halkaas.

“Iskaashiga dhinaca milatari ee aan la filayn waxa uu bixinayaa jadwal howleed iyo wadada ay France ka taageeri karto Itoobiya dhismaha ciidamo badeed,” ayuu Macron ka yidhi shir jaraa’id isaga oo uu garab taagan yahay Abiy Axmed.

“Tan iyo markii aad ra’iisul wasaare noqotay [Abiy Axmed] aragtidayada ku aaddan Ethiopia si dhab ah ayay isku badashay” ayuu yidhi Madaxweyne Macron

Itoobiya ayaa heshiis dhanka badda ah kula jirta dalal ku yaalla gobolka, oo ay ka mid yihiin dawladaha Soomaalidu oo muddo ku dhaw 30 sano aanay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka jirin dowlad xooggan oo midaysani.

Tallaabada uu Faransiiska u qaaday inuu Itoobiya ka caawinayo Tababarka Ciidamada Badda ayaa u muuqato mid suurtagelineyso cabsida ay dawladaha Soomaalidu ka qabaan inay Itoobiya usoo socoto Badaheeda isla markaasna ay halkaas ka dhigan doonto Saldhigyo, iyada oo aan la ogayn ina y saldhigyadaasi nooqn karaan Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera.

Marka ay Dowladi samaysaneyso Ciidamada Badda waxaa lagama maarmaan ah inay ciidamadaasi helaan saldhigyo ay fadhiisimo ka dhigtaan, waxayna khubarada intooda badani qabaan inay Somaliland iyo Soomaaliya yihiin meelaha ugu dhow ee ay Itoobiya damci karto maadaama ay dawladaha Soomaalidu yihiin kuwo aan  laheyn awood ay ku Ilaashan karaan xuduudahoodda Dhulka, Cirka iyo Badda.

dhinaca Soomaaliya Waxaa hadda tuhun weyn laga qabaa inuu Banaanka usoo baxo heshiiska la sheegay inay hore u kala gaadheen Farmaajo iyo Abiy Ahmed kaasoo ah inay Itoobiya maalgashi ku sameysato Afar kamid ah Dekadaha Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaacin kuwa ay yihiin.

Heshiiska la doonayo in Itoobiya lagu siiyo Afar Dekadood oo Soomaaliya ku yaal oo ay maalgashi ku sameysato ayaa dood badan ka dhex dhalisay Shacabka Soomaaliyeed, Mucaaradka iyo Dowladda dhexdeeda, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu Itoobiya siiyey Dekado balse ay arrintani aheyd wada hadal ku aadan inay Itoobiya maalgashi kaliya ku sameysato Dekadahaas.

Tan iyo markii uu dalka Itoobiya Ra’isulwasaare ka noqday Abiy Ahmed, waxay Siyaasadda Itoobiya noqotay mid furfuran oo ay ku dooneyso inay kaalin weyn ku yeelato Mandiqadda Africa gaar ahaan Geeska Africa.

Dowladda Shiinaha ayaa sanadihii ugu dambeeyey waday dadaalo ay ku dooneyso inay kula wareegto Dekadaha ku yaal Africa, waxayna hadda la kulmi doontaa cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowlado badan oo ay kamid tahay Faransiiska hadda soo baraarugay.

dhinaca Somaliland, Dowladda Itoobiya ayaa kaalin weyn ku leh heshiiskii ay Imaaraadka Carabta kula wareegeen Dekadda iyo Garoonka DIyaaradaha ee Berbera oo noqonaya saldhig military oo ay leedahay Imaaraadka waxayna Itoobiya ku leedahay Dekadda Berbera Saami dhan  19%.

Ciidamadii Badda Itoobiya ayaa burburay 1991-kii markii dagaaladu dalkaasi meel xun gaaadheen kadibna ay 1993-kii Eritrea gaar isaga taagtay dalka Itoobiya sidaana ay Itoobiya ku wayday wax bad ah.