Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Madaxweyne BIIXI Ku Eedeeyey Inay Laydh Berbera loogu Deeqay ku wareejisay Shirkado

Hargeysa(Hayaannews):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay Shirkado u gaar loo leeyahay ku wareejisay Laydhka Tamarta Cadceedda laga dhaliyo oo dowladda Imaaraadka Carabtu ugu deeqday magaalada Berbera oo Bulshada deggani cabashooyin ka muujiso adeegga Korontada.

Guddoomiye Faysal oo ka qaybgalay, isla markaana hadal ka jeediyey Xaflad Berbera lagu qabtay oo Salaasadii Maanta Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ku furay Mashruuca Cadceedda Laydhka lagaga dhalinayo ee Imaaraadku ka hirgeliyey magaaladaas, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay dowladdu Sharci u samayso Korontada Imaaraadku ugu deeqay Berbera ee ay Shirkadaha ku wareejisay, mar haddii aanay dowlad ahaan gacanta ugu haynin, si ay reer Berbera u helaan laydh Jaban.

Haddaba, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan:-