Garoonka Diyaadaha Ee Magaalada Adis-ababa Oo Hakad La Geliyay

Addis Ababa (Hayaannews)- Waxa muddo kooban la hakiyey hawlaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport.

Dhammaan duulimaadyadii ku soo aaddanaa maanta ayaa lagu wargeliyey in ay u weecdaan garoomada kale ee u dhaw magaalada.

Diyaaradaha ku jiray duulimaadyada caalamiga ah ee ku degi lahaa ayaa loo weeciyey garoomada caasimadaha dalalka deriska la ah sida Djibouti iyo Khartoum, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saartay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Sababta ayaa ah roobab mahiigaan ah oo ka da’ay habeennimadii Axaddii iyo ceeryaamo badan oo ku giblan magaalada, taasina ay keentay in dhammaan duulimaadyadii ku soo wajahnaa oo dhan la weeciyo oo madaarka Bole na la xidho.

“Taxaddar xilkasnimo ah awgii, waxa duulimaadyadii ku degi lahaa Addis Ababa loo weecinayaa madaarrada ugu dhaw, waxaanay u soo kici doonaan marka cilmiladu hagaagto,” ayaa lagu yidhi warka ay soo saartay Ethiopian Airlines oo dadka macaamiisheeda ah ka raalli-gelisay wixii dhibaato ah ee ka soo gaadha arintaas.

“Warbixin joogto ah ayaanu idinka siin doonaa kolba sida xaaladdu noqoto,” ayaa lagu yidhi.

Arintan ayay dadka qaar markii la shaaciyey ba u qaateen in wax kale dhaceen maadaama oo woqooyiga dalkaas dagaal u dhexeeya dawladda iyo ciidamada Tigray uu ka socdo.

Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in arrinta keliya ee sababtay in diyaaraduhu ka weecdaan Addis Ababa ay tahay cimilada xumaatay awgeed oo aan waxba laga arki karin masaafo dheer ceeryaanta iyo roobab xoog ah oo da’aya awgood.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com