Gobolka Awdal Oo U Awood Sheegtay Gobolka Badhan, Kuna Garaacay Goolashii Ugu Badnaa Intii Tartanku Socday

Hargeysa(Hayaannews): Ciyaar aad u xiiso badan oo galab ku dhexmartay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium Xulka gobolka Awdal iyo Xulka gobolka Badhan, kaasoo uu ka socdo tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee gobollada Somaliland.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag isla markaana labada kooxoodba ay kusoo galeen garoonka dardar ayaa bilawgii ciyaartaba waxa labada dhinac is-weydaarsadeen weeraro halis oo qaarkood noqon gaadhay goolal, balse labada gool wade ay ka badbaadiyeen shabaqooda, weeraradaas ayaa sababay in gool-hayaha xulka gobolka Awdal uu ku dhaawacmo kubad uu la hortagay mid ka mid ah ciyaartoyga xulka gobolka Badhan, kaasoo darbad uu kaga laagay goolka hortiisa ay madaxa kaga dhacday gool-hayaha Awdal, isla markaana dhaawac ahaan garoonka looga saaray.

Daqiiqadii 19aad ayaa kubad qurux badan oo uu si fiican u soo jiitay kabtanka xulka gobolka Awdal ciyaartoyga lagu magacaabo Bahdoon Mario uu shabaqa kooxda Badhan ku hubsaday, taasoo ay hogaanka ku qabteen xulka gobolka Awdal.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay hal gool iyo waxba ay xulka Awdal ku hayeen hogaanka, qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa sidoo kale ku bilaabantay jawi la isu awood sheegtay, waxaana daqiiqadii 61aad ee ciyaarta qaybtii dambe gool koonaha midig ee dalinta goolka ka dhaliyay ciyaartoyga Khaalid Hazard oo ka tirsan weeraryahanada xulka Awdal, taasoo ciyaarta ka dhigtay laba gool ay hogaanka kusii dheeraysteen Awdal, waxaana kor u kacay xamaasada taageerayaasha xulka gobolka Awdal, waxaanay intii dambe ciyaarta la wareegay awooddeeda xulka gobolka Awdal, waxaanay daqiiqadii 83aad shabaqa ku hubsadeen goolkoodii saddexaad oo uu u saxeexay lambarka 10-ka xulkaas Cabdikariim Culusay, waxaanay ciyaartu ku idlaatay saddex gool iyo waxba ay guushu ku raacday xulka gobolka Awdal oo ay ku garaaceen dhiggooda xulka gobolka Badhan.

 Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com