Golaha Wakiillada Somaliland Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddida Dhaqaalaha Ee Golahaasi

Hargeysa (Hayaannews)-Mudaneyaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golahaasi, taas oo ku saabsan qabyo qoraalka xeerka hay’adda caymiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka tirsan guddida dhaqaalaha, maaliyadda iyo ganacsiga ee golaha wakiillada ayaa mudanayaasha faahfaahin ka siiyey qabyo qoraalka xeerka hay’adda caymiska Somaliland oo ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen guddiddaasi qaar ka mid ah qodobada uu xeerkaasi ka kooban yahay iyo qaabdhismeedka ay yeelan doonto hay’addaasi.

Wuxuuna sheegay xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, in xeerkaasi yahay mid muhiim ah oo wax weyn ku kordhin doona dhaqaalaha dalka, miisaaniyada dawladda iyo wax qabadka bulshadu u baahan tahay, isaga oo golaha ka codsaday in ay ansixiyaan iyaga oo waajibaadkooda ka gudanaaya.